Home / Xulka cayaaraha / Jurgen Klopp Oo Ciyaaryahan Roberto Firmino La Damacsan Boos Cusub.

Jurgen Klopp Oo Ciyaaryahan Roberto Firmino La Damacsan Boos Cusub.

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa waxa uu Sheegay in uu damacsan yahay  in Roberto uu ka ciyaarsiiyo Khadka Dhexe ee kooxda.

firminoklopp-cropped_1ighabohyhxu91pmj3cp7rhlvf

http://radiohimilo.so

Waxa uu sheegay Klopp in ciyaaryahankan reer Brazil ee 24 jir ah in uu soo bandhigay xilli ciyaareedkii baraasiil ciyaar wanaagsan soona jiidatay isaga.

Firmino ayaa waxa uu doorbidayaa inuu khadka dhexe kaga dheelo naadiga.

Ciyaarhayankan ayaa waxa uu dhaliyey labo gool Shan kulan oo ka tirsan ciyaaraha Premier League.

“Roberto inta badan waxa uu sameeyaan dhaq dhaqaaq badan boosas badan ayuu qaataa sida difaaca,”sidaa waxaa Sky Sport u sheegay Klopp.

Waxa kale oo uu sheegay Klopp in Roberto Firmino uu leeyahay xirfado dabiici ah oo la xiriir maamulka Kubadda.

Liverpool ayaa waxa ay soo gashay kaalinta afaraad ee kala sareynta horyaalka ka dib markii seddex jeer laga guuleystay.

Kulamadii horyaalkan ee Liverpool  afka ciida loo daray waxaa ka mid ahaa kii 24 bishan ay la yeesheen Hull City eek u dhamaaday 5-1.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*