Home / Features / 22 March: Maalinta Caalamiga ee Biyaha

22 March: Maalinta Caalamiga ee Biyaha

Muqdisho – 22 bisha March sanad kasta waxaa dunida laga xusaa Maalinta Caalamiga ah ee Biyaha. Ujeeddadu waa in la xaddidaa mushkiladaha biyaha ku foolan. Maanta, 1.8 Bilyan oo dad ah ayaa adeegsada ama isticmaala biyo aan sugneyn – leh noole ilma-aragti ah, calaw iyo saxaro – taas oo ku sababeysa inay ku dhacaan cudurrada Koleeraha, Daacuun-caloolaha, Tiifowga iyo Booliyada.

Si kale marka la yiraahdo, ujeeddada maanlintan waa in is-baddal loo sameeyo xubnaha katirsan bulshooyinka dunida ee la dhiban xaaladaha la xiriira biyaha. Waa maalin loo diyaar-garoobo sida ugu maangalsan ee mustaqbalka loo maareyn karo biyaha. Sanadkii 1993, kal-fadhiga guud ee QM ayaa 22 March u asteeyey Maalinta Caalamiga ee Biyaha.

Biyuhu waa teed dhismeedka nuxurka leh ee nolosha. Hayeeshe waa wax ka badan nuxur nololeed oo lagu cirib-tiro harraadka; laguna ilaaliyo caafimaadka; biyuhu waxay tiir u yihiin abuurista shaqooyinka, taageerada dhaqaaleed ee kobaca ganacsiga iyo horumarinta Aadanaha.

Maanta, waxaa jira in ka badan 663 milyan oo qof oo si maalinle ugu nool ilo biyood aan ku filneyn baahidooda; kuwaas oo waqti aan xisaab laheyn saf ugu jira helidda biyo nadiif ah iyaga oo fogaan dheer uga soo baqoolaya. Waxase kasii daran biyaha ay darsadaan, waxay ka qaadaan cudurrada ka dhashay biya-fadhiisadka.

In diiradda la saaro biyaha lagu israafo ee badi laga arko guryaha caadiga ah, masaajidda, warshadaha, dugsiyada wax-barashada iyo wixii soo raaca waxay na xusuusineysaa sida aan u lumineyno kheyraad mudnaa in mar iyo marar badan dib loo adeegsado.

Guud ahaan, 80% biyaha lagu takri-falo waxay iskaga dhamaadaan arlada iyaga oo aan dib loo adeegsan. Soomaalidu waxay kamid taahy bulshooyinka aad ugu takri-fala kheyraadka biyaha.

Tusaale ahaan, biyaha ku shubma bullaacadaha masaajidda ee lagu weysa-qaato waxaa la awoodi karaa in laga faa’iideysto mar kale iyada oo siyaalo kale loo marayo sida in geedaha lagu waraabsado ama xooluhu ay cabaan. Marka aad ogaato in masjidkiiba uu maalintii isticmaalo biyo dhan 5,000 litir, midkeenna usii kuur-gala wuxuu awoodaa inuu ka faa’iideeyo kheyraadkaas ku dhamaada ciidda.

Si kale, biyaha roobka ee jidadkeenna ka dhigay mar kasta oo ay da’aan dhiiqo iyo uskag; waxaa la awoodaa in loo keysado isticmaal hore – iyada oo hakad la gelinayo biyaha tubooyinka.

Marka loo eego Ismail Serageldin, dagaallada qarniga 21aad dhici kara waxay noqon doonaan kuwo loo dagaallamo kheyraadka biyaha. Tani waxay muujinaysaa sida ilaha biyuhu mustaqbalka u noqonayaan gabaabsi aan meel kasta laga heli karin.

Haddii sida ugu habboon loo dhaqan-geliyo murtida Soomaaliyeed ee tiraahda: Biyo dhul lagu arag, lagana dhowr, waxaan awoodi karnaa inaan si siman uga dheefsanno ilo biyoodyadeenna. Waxaana taasi ay nagu caawin kartaa inaan xal u helno biyo la’aanta ay la harraadsan yihiin dadka iyo duunyada u aafowda abaaraha soo noq-noqda.

Isha: radiohimilo.so

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*