Home / Features / Dib u howl-gelinta xarumaha danta guud sidee bay qeyb uga qaadan karaan isku xirka bulshada?!
jaamacadda-Ummadda

Dib u howl-gelinta xarumaha danta guud sidee bay qeyb uga qaadan karaan isku xirka bulshada?!

Muqdisho – Helidda adeegyada dowladda iyo u sinnaanta xarumaha aan gaarka loo lahayn ee dowliga ah oo inta badan lagu dhisay iskaashi dadweyne ayaa lagu magacaabaa dan-guud. Si kale marka loo yiraahdo, wax walba oo kasoo hara hantida gaarka loo leeyahay ee shacbiga oo cidna aysan ka xigsan karin inta kale taas oo keensanaysa in si siman loogu intifaaco ayaa la yiraahdaa dan guud.

Jidadka kala duwan, dhismayaasha dadweynaha ee isugu jira dugsiyo wax-barasho, goobo caafimaad, xarumo ciidan, sal-dhigyo boolis iyo wixii soo raaca ayaa sameyn kara dan guud. Barriga oo dhan haddii la yiraahdo halaga hadlana, dhul kasta waxaa iska leh dowladda dhexe. Hayeeshe dhul walba oo dowladda dhexe xukunkeeda hoos yimaada, ma ahan dan guud.

Kheyraadka ku jira badaha iyo adeegsiga hawada Soomaaliya iyadna wa dan guud oo la wada leeyahay.

Sidaas darteed, in la yiraahdo xarumaha danta guud waxay dabooli karaan baahida shacabka in ka badan kuwa gaarka loo leeyahay haddii la helo mashaariic lagu maal-geliyo gef ma noqoneyso. Waana tan midda sidoo kale abuuraysa ku wada-qeybsiga danta iyo kheyraadka qaranka qorshe iyo howl-gal.

Xarumaha danta guud waxay lasoo if baxeen nidaamkii gumeysiga ee dalka ka anba-qaaday qarnigii 19aad dabayaaqadiisa. Markii ay dhalatay dowlad dhexe oo xor ah, waxa danta guud la yiraahdo waxay ahaayeen kuwa la tirin karo. Gumeysigii Talyaaniga ee dalka ka talinayay wuxuu kaga tagay waxa aan milgo lagu sheegi karin oo dhismayaal qaran ah.

Nasiib-darro, dowladihii rayidka ee ka horreeyey Kacaanka, iyaguna kuma guuleysan inay horumariyaan intii yarayd ee Talyaanigu ugu galad-sheegtay. Kaliya hal waddo oo muhiim ah ayaa laga dhisay magaalada Muqdisho intii u dhaxaysay xurnimada iyo dhalashadii Kacaanka. Sanadkii 1968-kii, kaalmo laga helay Sucuudiga ayaa lagu dhisay Waddada Makka al-Mukarrama oo dhererkeedu ahaa Km4 ilaa Guriga Umadda. Waxayna ahayd waddada kaliya oo xilligaas lahayd labada haad ee baabuurtu isku feer-socon karaan, marka loo eego buugga Sababahii Burburka Soomaaliya.

Qoraaga Buugga, Abdiqaadir Aroma ayaa sheegay in nin weriye ahaa oo xilligaas yimid caasimadda uu qoray ereyada ah: “Soomaaliya waa hal qaran, hal magaalo leh, magaaladuna ay hal waddo leedahay.”

Hayeeshe wax walba waxay is-bedeleen dhalashadii Kacaanka markii warbixintaas looga fal-celiyay dhismaha 25 waddo oo kaliya laga dhisay magaalada Muqdisho.

Qeyb kamid ah mashruuca horumarinta dalka iyo ka haqab-tirka bulshada adeegyada dowladda waxaa sidoo kale ku jiray dhismayaasha dugsiyo wax-barasho, isbitaallo, buundooyin, laamiyo laga dhisay inta badan gobollada dalka, xarumaha iyo sal-dhigyada kala duwan ee ciidanka.

Falsafaddii qiimaha lahayd ee Iskaa-wax-u-qabso ayaana lagu suura-geliyay howl-galkii lagu liibaanay ee Kacaanku u jideeyey shacabka Soomaaliyeed. Tallaabtii kale ee falsafadda iskaa wax u qabso sii qurxisay waxaa kamid ahayd siyaasaddii gudaha ee arrimaha bulshada ku saabsanayd siiba bixinta adeeg caafimaad iyo wax-barasho lacag la’aan qof kasta oo Soomaaliyeed – u eegis la’aan deegaankiisa, qabiilkiisa iyo heerka noloshiisa.

Helidda aqoon-yahanno Soomaaliyeed oo dalkooda ku mutacallimay iyo waddan gacantiisa ku heysta adeegga aas’aasiga ah ee bulshadiisa oo ku filan iyo dadweyne heerka kasmada cilmiga qoraalka iyo wax aqriska ka joogay 75% waa guul labada dhinac daadahan oo Kacaanku hir-galay.

Nasiib-wanaag, maanta dhammaan xarumaha lagu shaqeeyo iyo badi jidadka lagu socdaalo waa dhaxal laga helay xukunkii is-buriyay ee Jaalle Siyaad kuwaas oo gees-ka-gees dhulka Soomaaliyeed laga adeegsado. Waxa kaliya ee gaaray waa burburka aan badnayn ee kaga yimid dayac-tir la’aan muddo dheer ku jiitamaysay iyo adeegsiga joogtada ah.

Dhismayaasha xarumaha danta guud, marka laga soo tago jidadka, waxay u muuqdaan kuwo hadba sidii loogu heli karo qorshe iyo mashruuc degsan uga soo dhamaanaya gacmaha shacabka iyo ahaanshaha xarumo ciidan.

Waxay ahayd Jaamacadda Gaheyr oo muddo sanado ah sal-dhig ciidan u ahayd AMISOM oo maanta ay xaadiraan Jaamiciyiinteenna. Haddii sida hadda ay dowladdu ku bilowday dib u howl-gelinta xarumaha danta guud loogu sii socdo, waxaa la awoodi karaa helidda adeeg si siman iyo wadajir loogu wada qeybsado.

Ficillada laab-kaca ula muuqda bulshada oo laga yaabo inay ku dhaliyaan caadifad iyo kala shakina, waxay u baahan yihiin in hadiyo jeer lagu baraarugsanaado si looga hortago khalkhal mar labaad ku yimaada midnimadeenna.

Taasina waa inay ku dhalataa siyaasad iyo qorshe cad oo bulshada lagu fahamsiinayo in dib loogu gacan-gelinayo adeegyadii ka maqnaa muddada 30-ka sano kusii dhawaanaysa.

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.

Kala xiriir: farriin-danabeed; hiraal86@gmail.com

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*