Home / Xulka cayaaraha / Ederson oo kusoo laabtay tababarka Sky Blue.
ederson

Ederson oo kusoo laabtay tababarka Sky Blue.

Gool hayaha kooxda Manchester City Edersonayaa ku soo laabatay tababarka isaga oo madax gashi uu ugu jiro markii ay horaanti todobaadkan isku dheceen laacibka Liverpool ee  Sadio Mane.

Brazilian-kan ayaa laga saaray ciyaartii ay guusha 5-0 Liverpool kala kulantay kooxda ka dhisan Etihad axadii kadib markii uu lugta wajiga kaga dhuftay  Mane, kaas oo qaatay kaar casaan ah.

Shalikaan ayaa sababay doodo kala duwan, Sky ayaana fahansan in Liverpool ay racfaan ka dalban doonto ganaaxa saddexda kulan ah ee la dul dhigay  Mane.

Ederson, ayaa si dhoqsi leh taageerayaasha ugu xaqiijiyay in uu fiican yahay kulanka kadib isaga oo soo bandhigay dhaacyo ka muuqanaya wajiguiisa

Sidaas oo kale message ayuu soo dhigay Instagram-kiisa wuxuuna ku yiri “haddi aan siiwadan karo ma jooojin doono”.

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*