Home / Features / Facebook oo lagu eedeeyey in xasuuqa Muslimiinta Rohingya ku diidan tahay in lagu muujiyo barteeda.
barta

Facebook oo lagu eedeeyey in xasuuqa Muslimiinta Rohingya ku diidan tahay in lagu muujiyo barteeda.

Muqdisho – Geyfanayaasha iyo kooxaha xuquuqda Aadanaha ayaa ku eedeeyey facebook inay post-yadooda muujinaya xasuuqa ka dhanka ah Muslimiinta Rohingya ka xayirtay, sidaas waxaa lagu yiri warbixin ay qortay The Daily Beast.

“Waxaan ahay qof inta badan wax ka qora arrimaha ku saabsan dhibaatada heysata Muslimiinta Burma,” Rahem nin kusoo gaabiyay magaciisa – sababo amni awgeed – ayaa u sheegay The Daily Beast. “Hadda waxaan ka cabsi qabaa inaan in badan sii adeegsan karo bartayda facebook.”

Ku dhawaad 410,000 ayaa ku barakacay dhibaatada xasuuqa ah ee lagu hayo tira-yarta Muslimiinta ah ee ku nool Burma kuwaas oo usoo baxsaday Bangladesh.

In ka badan 1,000 ayaa laga yaabaa inay ku dhinteen gudaha Burma, marka loo eego warbixin ay QM soo saartay.

Dadka Rohingya ayaa isku dayay inay baraha bulshada kusoo muujiyaan xasuuqa daran ee lagu hayo, waxayna tilmaamayaan in facebook ay koontooyinkooda ka xayirto kana saarto sawirrada ay soo dhigaan.

Wakiillada facebook ka tirsan ayaa iska diiday eedeymaha – waxayna sheegeen inay baaritaan ku sameynayaan.

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*