Home / Features / Sida loogu aflaxay Mashruucii Ol’olaha Horumarinta Reer Miyiga.
olole

Sida loogu aflaxay Mashruucii Ol’olaha Horumarinta Reer Miyiga.

Muqdisho – Guulaha ilaa iyo maanta muuqda ee dowladnimadii burburtay ee Soomaaliya laga dhaxlay waxaa had iyo jeer dib loogu celiyaa wax-qabadka Xukuumaddii Kacaanka ee Jaalle Siyaad Barre.

Kahor af-ganbigii dhacay sanadkii 1969-kii, waddanka kama jirin horumar la taaban karo oo laga sameeyey kaabayaasha nolosha. Habka siyaasadeed ee waagaas oo ku sifeysnaa musuqmaasuq iyo qabyaalad iyo dadka oo aan loo diyaarin is-dhexgalka labada gobol – waqooyi iyo koofur – ayay ka tallaabsan waayeen xukuumadihii rayidka.

Hayeeshe adeegsiga xukun bir ah oo lagu jaaday awood miltari kaas oo ugu yaraan soo af-jaray tafaraaruqii ka taagnaa beelaha, caqabadna ku ahaa hir-gelinta arrimo masiiri ah sida qorista farta Soomaaliga iyo wixii lamid ah, waxay si fudud u dhaqan-galeen isla judhii uu talada ku fariistay Jaalle Maxamed Siyaad.

In kasta oo qoraaga buugga Sababihii Burburka Soomaaliya, AUN Abdiqaadir Aroma uu xukunkii Siyaad Barre ku qeexay: xoreeye gumeeye, isaga oo daliishanaya in horumarkii fiicnaa ee uu anba-qaaday uu kaddibna gacantiisa ku burburiyay, haddana wuxuu qirayaa in isaga qadaashiis iyo horraantiisba, wax dhaama aysan dalka soo marin.

Waana taas sababta mar kasta oo lasoo hadal-qaado taariikhda dahabiga ah ee Soomaaliyeed, xukuumaddiisa laga mid dhigo tan kaliya ee raad la tilmaami karo kaga tagtay dalka. Mana ahan oo kaliya dhismayaasha kala duwan ee lagu hir-galay Iskaa-wax-u-qabso sida; garoomada, jidadka, dugsiyada, isbitaallada iyo wixii lamid ah. Siyaad Barre wuxuu sees u noqday dhalashada ilbaxnimo cusub oo dunida saddexaad aan kaga tilmaannayn.

Mid kamid ah mashaariicdii hir-galay ee lagu xusuusto wax-qabadkii Jaalle Siyaad waa Ol’olihii Horumarinta Reer Miyiga oo la bilaabay sanadkii 1974-kii laba sano kaddib qorista af-Soomaaliga.

Ujeedka Ol’olaha wuxuu ahaa la dagaalanka Jahliga – aqriska iyo qoraal la’aanta. Xukuumaddii Kacaanka waxay la timid siyaasad lagu tilmaamay inay si weyn uga turjumaysay baahida loo qabay labada udub ee Insaanka muhiimka u ah sida wax-barashada iyo caafimaadka. Markii uu xukunka qabsanayay Jaalle Siyaad, dalka waxaa ka jiray dhowr xarumo wax-barasho oo ay tegi karaan dadka hodanka ah iyo carruurta madaxda.

Qorista farta kaddib iyo dejinta manhaj af-Soomaali ku dhigan, xukuumaddii Kacaanka waxay qaaday mid kamid ah barnaamijyadii ugu himilada fiicnaa ee ka hir-gala qaaradda Afrika.

Dalal badan oo markaas kasoo hoos baxay nidaam gumeysi iyo baraarug liita oo dhinaca wax-barashada ku saabsan iyo la’aanta qorshe madaxdii wali cabsanaa mabda’ii caqli-gumeysi Galbeedka, Jaalle Siyaad wuxuu ku guulaystay inuu sare u qaado heerka kasmo ee shacabka Soomaaliyeed.

Halku-dheggii Bar ama Baro oo farriin u ahaa in kuwa wax yaqaan ay barayaal noqdaan; inta aan wali wax baranna wax loo dhigo ayaa keentay in miyiga iyo magaalaba, dadkii waagaas ay badankood awoodaan aqris iyo qorisba. Qaramada Midoobay markii ay horumarka dalku waagaas ka gaaray tacliinta, hey’adda UNESCO waxay wasaaradda wax-barashada iyo barbaarinta guddoonsiisay billad dahab ah oo ay ku mutaysatay la dagaalanka Jahliga – wax qoris la’aanta iyo aqris la’aanta. Ol’olahaas wuxuu badbaadiyay dad badan baaqi ku ahaan lahaa mugdiga Jahliga.

Mashruucii OHRM wuxuu sidoo kale la yimid is-dhexgal dhaqan bulsho iyo aqoon kororsi ay kala faa’iideen reer miyiga iyo magaalka. In kasta oo noloshii waagaas aysan aad u kala durugsanayn, haddana mashruucani wuxuu si qoto dheer iskugu xiray nolosha ka jirta miyiga iyo magaalada. Wuxuuna ahaa mid taariikhda markii ugu horreysay mideeyey labada reerood ee miyiga iyo magaalada.

Dadaalkiisa waxaa kaga dayday dalal badan oo qaaradda kala tirsan sida Burkina Faso oo markii uu xukunkeeda qabsaday Thomas Sankara bilaabay ol’ole uu kula dirirayo Jahliga. Taas oo ugu danbayn keensatay in dadkiisu 75% ay wax aqriyaan waxna qoraan.

Maanta, Soomaaliya waxaa lagu tiriyaa umadaha ugu doorka roon qaaradda Afrika ee ku fiican wax-aqriska iyo qoraalka. Mahaddaas Eebe kasokow, waxaa iska leh xukuumaddii Kacaanka.

Caqabadaha dhanka tacliinta ee dalka ka jira wali waxay u baahan yihiin wax ka qabasho. Majiraan xarumo ama dugsiya bixiya wax-barasho lacag la’aan ah oo jiilka soo koraya ka wada simi kara fursado wax-barasho. Dabaqadaha roon roon ayaa heli kara tacliinta ay rabaan.

Dhaq-dhaqaaqyada jira ee lagu doonayo in lagula dagaallamo Jahliga way isasoo tarayaan. Balse fal-celin mug leh kama bixin karaa heerka Jahliga taagan yahay. Xattaa xukuumaddii hore ee bilowday mashruucii Aada Dugsiyada, wuxuu u muuqdaa mid aan soo dhaafin xafiisyadeedii.

Si loo helo isku xir bulshadeenna ku kala nool dabaqadaha nolosha, waa muhiim in ugu yaraan la hindiso ol’ole abuuri kara is-dhex-gal iyo kala faa’iidaysi oo dhex mara bulshadeenna.

Taasina waa in kuwa helay fursadaha wax-barasho ay aqoontooda uga faa’iideeyaan inta kale oo aan helin fursaddaas. Waana mas’uuliyad iyo tallaab qaadisteedu u furan tahay xarumaha wax-barashada ilaa heer jaamacadeed.

Kaalintooduna waa inay noqotaa siinta waaya’aragnimo ay ardaydoodu kasoo bartaan deegaannada fogfog – iyaga oo taas baddalkeedana ku biirinaya aqoontooda una dhigaya wax-barashada aas’aasiga ah.

Dowladduna waa inay xisaabta ku darsataa sida loogu diirsaday mashruucii ORHM, una yeelataa fiiro gaar ah suura-galnimada ah haddii dib loo dhiirri-gelin karo abaajintiisa.

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.

Kala xiriir: farriin-danabeed; hiraal86@gmail.com

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*