Home / Xulka cayaaraha / Danny Ings: ‘Waxaan rabaa inaan Liverpool ku sugnaado’
Ingis

Danny Ings: ‘Waxaan rabaa inaan Liverpool ku sugnaado’

Muqdisho – Weeraryahanka kooxda LiverpoolDanny Ings ayaa sheegay in uusan qorsheynin in uu ka tago kooxda ku ciyaarta Anfield isla markaana uu sii joogayo kooxdiisa.

Horraantii todobaadkan, Ings ayaa lala xariiriyey in bisha January  uu u dhaqaaqi karo Leeds United kadib marii uu 12  soo muuqasho oo kaliya sameeyay kulamada kooxda ka dhisan Merseyside waxaana laacibkan daashaday dhaawacyo soo laalaabtay oo jilibka ah.

Si kastaba , Ings – oo soo laabashadiisa sameeyay kulankii EFL Cup oo ay la ciyaareen  Leicester City bishii September – ayaa qorsheynaya in uu u dagaallamo booskiisa kooxda.

25- jirkan ayaa u sheegay The Times: “ Waxaan doonayaa in aan halkan joogo waqti kale.”

Ings hadda heshiiska uu kula jiro kooxda waxa uu dhacayaa kadib saddex sano.

Qore: Abdiaziz Adan Urur.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*