Home / Features / Hambalyo Ardayda Gaalkacyo – Waan idin la qaadnay Farriintiinna Nabadda.

Hambalyo Ardayda Gaalkacyo – Waan idin la qaadnay Farriintiinna Nabadda.

Muqdisho – Inta bulshada Soomaalidu tiqiin sida loo dagaallamo, waxaa kale oo ay tiqiin sida ba’an oo aan looga mahdin balada uu reebo. Sidaas awgeed, mayara inta maahmaah, murti ama sheeko oo laga yiri waxa ku baxay dirir la isku fara-saaray. Mana ahayn qof kasta inuu jeclaa dagaal bilowgiis. Maadaama ninna uusan caano kusoo cabi doonin is fara-saarka, inta laga baaqsan karo waa loo geyfan jiray. Waanwaantu waxay ahayd meertada dhex taalla labada col ee dhiilladu ka dhaxayso.

Inta lagu jiro dadaallada, qola walba waxay ka dhursugi jirtay ergada maqan. Dhacdooyin badan oo waxaa jira lagu hor kufay ergada oo laga dhega-furaystay xaajada ay u garwaaxeysteen. Balse bulshadeennu mar kasta waxay lahayd oday arrimiya – guurti iyo garyaqaan – xaajada guddooma. Haddii aysan kaalintoodu joogto noqon lahayn, helidda isku imaantin kale iyo in bulshadu xalay-dhalay ka noqoto wixii dhacay suura-gal manoqoteen.

Murtida tiraahda: intay nabadi jirtaa, ninba nin la’eg yahay, waxay ahayd farriimaha ugu xoogga badan oo dadka dhiilladu kala gaarto loogu yeero inaysan ku kadsoomin guluf colaadeed. Halka natiijada iyo huriweytada kama danbeys laga dhigo dirirtana aan halheel mindiyaha la iskugu soofeysan. Baaqaas waligiis wuxuu isna lahaa dhego u duleela. Hayeeshe waxa xiisaha gaarka ah leh waa in farriintani aysan ahayn mid ay la nool yihiin kuwii ku waaya’aragoobay dagaallada iyo jiilka cuslaaday.

Da’yartii ku hana-qaaday burburkii dalka oo maanta ku jira heerarka wax-barashada waxay dhanbaalkan iyaguna ku leeyihiin kaalin xooggan. Taas waa marka aynu fiirinayno tusaalaha dhawaan-galka ee soo jiitay indhaha bulshada Soomaaliyeed kaas oo ardayda dugsiyada Gaalkacyo ku dalbanayeen nabad waarta iyo in la isku furo magaalada labada maamul u kala xiran.

Dhowr tiro arday ah oo ku labisan dharka iskuullada kuwaas oo ku midaysan daladda ardayda Gaalkacyo ayaa isugu soo baxay muujinta dareenka ay ku heysto xaaladaha nabad-gelyo xumida ku keenay magaalada iyo dagaallada miyiga fog ka bilowda ee ugu danbeyn kusoo dhamaada magaalooyinka.

Lahaanshaha asxaab ay ku midoobeen wax-barashada iyo dan-wadaagta ballaaran ee ka dhaxaysa, dhalashada fitno kasta waxay qeyb dhan ka xagal-daacinaysaa jadwalka nololeed ee ayaankooda. Waxaana ku adkaanaysa inay isku kala gooshaan ama ayba kala faa’iidaysan waayaan. Dhawaaq kasta oo dhiiladiisa wata wuxuu mid aan la mahdin u yahay marinkooda. Waana sabab kamid ah siyaalaha ku riixaya inay maya ku yiraahdaan dagaal hor leh iyo dhiig walaal oo dhulka daata.

Saameynta dirirtu kaga tagi karto qalbiyadooda laf ahaateeda ayaa keyd ugu sii galaysa mustaqbalkooda danbe. Waxaana ay raadaynaysaa wada noolaanshaha danbe iyo sida ay ugu wada dhaqmi karaan marxalad ay lasoo koreen.

Sidaas darteed, inay halhaleel xilligan ugu soo istaagaan waa tallaab ay berito ugu diyaar-garoobayaan inay kaga gaashaantaan godob aabe keenay iyo u gogol-xaarista weji cusub oo nabadeed.

Laga yaabee inay u muuqdeen tiro aan aad u badneyn, hayeeshe farriintoodu way u caddayd. Waxayna ku timid waqti dalka oo dhami uu ku jiro baraarug qaran oo jiilka soo koraya ay kaga digtoon yihiin mahadhada iyo dirirta aan la mahdin ee utinta ku reebta gacalka is dhalay. Si gaar ah Mudug, farriintani waxay u tahay ifafaalo fiican.

Qoraaga John Drysdale oo aqoon durugsan u leh hidde-dhaqanka Soomaalida ayaa buuggiisa Whatever Happened to Somalia ku qeexay haddii mushkiladda Mataanaha Mudug uu hir-galo in mushkiladda Soomaaliya ka aloosan 70% la xaliyay. Qoraagu wuxuu tibaaxay in 70% fitnada Soomaali kala firdhisay ay sal-dhigeedu tahay Mudug.

Taasina waxay hadda ku soctaa dhabbe fiican. Waxayna u muuqataa in jiilka soo koraya ay ku guddoomi karaan xalkeeda hab nabadeed iyo is-afgarad.

Murtida kale oo ardaydu farriintoodu ku dirayeen waa: rag walaalow wuxuu ku dhaamo la waa’ – oo is jiid-jiidka iyo isku dhimrin la’aantu waxay keensanaysaa in midba iyo markiisa tijaabiyo tayada xooggiisa. Waana mushkilad kale oo u baahan in bulshada qaab kasmo-nafeed ah looga dabiibo.

Marka la fiiriyo sida qiirada leh oo haweeney katirsanayd dibadbaxayaasha ay ku tiri: Wixii ay odayaashu garan waayeen ayay carruurtu fahmeen, waxaan u baahannahay nabad, waa farriin xoog badan taas si caadyaal ah kaga turjumaysa murtida tiraahda rag gogoshiisu waa nabad – u eegis la’aan da’da uu jiro.

Haddii baaqa ardaydu uu noqdo joogto hadiyo jeer jawaab u ah falalka xanafta leh ee qabyaaladda hurin kara, waxay awood u leeyihiin inay go’aamiyaan nuuca nololeed oo ay u jeexi karaan jiilka imaan doona rubuc qarni kadib. Haddiise aan qalqaalo loo sameynin geeddiga nabadeed oo ardaydu ay hayaanka u galeen, waxaa adkaanaysaa helidda Gaalkacyo iyo Mudug oo wadajir loogu wada barwaaqeysto.

Fiiro gaar ah siiyoo,

Geeddigaa hayaanka ah,

Oodaha kasii gura!

Codkii: al-Fanaan Abdi Tahlil Warsame.

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.

Kala xiriir: hiraal86@gmail.com, hiraal114@yahoo.co.uk.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*