Home / Features / Axmed Johari – Geyfane u heelan Liibaanta Qoysaskeenna.
johari

Axmed Johari – Geyfane u heelan Liibaanta Qoysaskeenna.

Muqdisho – Su’aalaha doorka ah ee ilaa iyo maanta doodaha u furan waxaa ku jira haddii dareenku yahay bilowga guurka ama guurku uu yahay bilowga dareenka, hayeeshe Axmed Johari oo isaga iyo afadiisa hoggaamiya dhaq-dhaqaaq da’yarta loogu diyaarinayo sida nolosha guurka loogu guuleysto ayaa qaba in guurku yahay meesha lagu xaqiijiyo dareenka jaceylka iyo xiriirka labada lamaane ka dhex bilowda. Jaceylkuna uu yimaado guurka hortiis.

Fashilka ku yimaada aqallo badan waxay ku dumaan sababaha ka soocan jaceylka oo labada qofi isku qaabilaan – sida in la isku aroosiyay ama ay masaalix goooni ah isku soo raaceen, Johari ayaa taasi ayidsan.

In kasta lammaanuhu waqti badan geliyaan wada socodka iyo ramashada ay isku qabaan, haddana tallaabta xigta ee aqalka la iskugu yimaado ma ahan mid ka turjumeysa dhaqankii macaanaa ee bannaanka. Waana taas sababta qoysas badan oo ka samata-baxa burburka aysan niyaddii loo baahnaa ku wada noolaanin. Caqabadaha kale ee dhaqamadii hore kasoo haray oo lammaanaha aysan u wada yeelan Karin nolol ka fiyow uurxumi, kala-talisnimo iyo kala shaki waa in – mid kasta lasoo cabsiiyo inuusan jiljileec iyo naxariis u muujin dhiggiisa.

Gabadha waxaa loo weriyaa inay isku daydo xakamaynta hantida odaygeeda si uu maamulkeeda kaga hoos bixin. Wiilashana waxaa lasoo cabsiiyaa inaysan jileec iyo is dabcin u muujin afadiisa. Dhacdo gudaheed, sida uu sheegay Johari, waxaa meel bannaan ka qiray wiil dhawaan guursaday kaas oo tilmaamay in laga soo dhaadhiciyay inuusan isku raaricin ama isku dul-dhigin doonista xaaskiisa.

Tani runtii waa mushkilad caam ah oo qoysas badan ka dhex jirta. Hayeeshe, ma ahan murugada ugu weyn. Johari wuxuu waaya’aragnimadiisa hadda ku biirinayaa in sidoo kale laga soo guuro dhaqanka ad-adeyga ku dhisan kaas oo haddii uu sii xoogeysto mustaqbalka madow gelinaya qoysaska dhalan doona.

Dhibaatooyinka ku horgudban guurarka dunida maanta ka jira dhammaan waxay wada leeyihiin caqabado isku dhigma. Halka dunida kale ay dhibaatadu ka taagan tahay doorashada qofku xulanayo dhiggiisa uu nolol-wadaaga la noqonayo, siiba dadka Hindida. 70% dadka Hindida, guurka ay sameystaan wuxuu ku dhashaa qaab la abaabulo oo lammaanaha la isku geeyo.

Balse dhaqankani hadda Soomaalida dhexdeeda kama ahan caqabad la tilmaami karo.  Bulshadeennu hadda waxay aad u doorbidaysaa in qofku la yimaado midka uu soo calmaday si loogu guuriyo. Meelaha iyo waqtiyada qaarse waxaa la arki aroos abaabulan oo lammaane madaxa la isku gelinayo.

Johari iyo afadiisa markii ay bilaabayeen mashruucan cusub, dadka waxay la ahayd arrin ku gaar ah qoysaska oo aan habbooneyn in bannaanada looga doodo. Hayeeshe, isaga oo ka duulaya murtida tiraahda: xaajo aan sida dabo Ari loo feydin xal mayeelanayso, Johari sida uu ugu hal-adkeystay inuu bedelo aragtidaas ugu danbeyn wuxuu u muuqdaa mid ku guuleysanaya. Hadda in badan oo shalay saluugsanaa faaqidaada arrintan, maanta si furan ayay u xiisaynayaan inay qeyb ka noqdaan is-bedelka.

Waxa ka dhigaya inuu jid cusub u furo nolosha qoysaska Soomaaliyeed, waa inuu isagu tusaalaha koobaad u yahay sida loo noqdo qoys farxad abuuran kara. Isla qabashada shirar iyo dood cilmiyeedyo la xiriira baraaraha iyo bogaha ku yaalla qoysaska, isaga iyo afadiisu waxay farriintan u yihiin baalasha labada dhinac ee guri kasta ka heleysa soo dhaweyn muuqata.

Qeyb kamid ah halhayska uu Johari ku halqabsado baraarujintiisa waa inuu lammaanaha ugu yeero inay jaceyl dhab ah, xushmad iyo xishood u muujiyaan dhigooda, halkii ay raadin lahaayeen qof jeclaada, ixtiraama: xushmadna u muujiya.

Aragtida uu qabo ayaa ah in bulshadu dhammaanteed wacan tahay, balse dhibta jirta ay tahay inay doorashada iska haleeyaan. Haddii sida ugu toobiyaysan mid kasta uu lammaanihiisa ku xusho sida ku habboon Sunnada Suubanaha NNKH, kala bar shaqaaqada ka dhex taagan qoysaskeenna inay dhammaan lahayd.

Siyaalaha kale oo uu qabo in lagu xoojin karo midnimada iyo jaceylka lammaanaha waa wada qaadashada waqti gooni ah kaas oo aan in badan lammaanaha Soomaaliyeed ka suura-gelin. Ragu waxay waqti badan geliyaan howshooda iyo ku haasaawidda meel ka baxsan aqalladooda. Saacado kooban ayay gurigooda kula qaataan qoyskooda. Afaduna waxay dumarka kale kula sheekeysataa aqalkeeda. Halkaas waxaa ku lumaya waqti dhan oo ku habboonaa in lammaanuhu isku xaal-wareystaan: ku macaansadaan kalinimadooda: kuna gorfeeyaan dhacdooyinka muuqda iyo kuwa dahsoon ee soo kordhaya.

Haddii dib loogu laabmo murtida tiraahda: wax is-warsi maxumee; wax isweydaaris baa xun: war helaa talo hela, lammaanayaal badan waxay awoodayaan inay dhacdooyinka maalmeed ku qaabilaan xal loo dhan yahay iyo inay ku noolaadaan farxad ku dhalata qaadashada waqti ku dhisan reynreyn iyo liibaan.

Isha: radiohimilo.so

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.

Kala xiriir: hiraal86@gmail.com, hiraal114@yahoo.co.uk.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*