Home / Features / Warbixin – Sida ay tahay shaqada Shirkadda Nadaafadda ECO.

Warbixin – Sida ay tahay shaqada Shirkadda Nadaafadda ECO.

Muqdisho – Kahor inta aysan magaalada imaan shirkadaha nadaafadda, Axmed Sh Cusman Maxamed iyo Abdi Maxamed Goobaale waxay nolol maalmeedkoodu ku maarayn jireen xoogsiga iyo dhagax-jabiska. Hadda waxay katirsan yihiin shaqaalaha shirkadda nadaafadda iyo bilicda ee ECO.

ECO waa mid kamid dhowr shirkadood oo howlaha nadaafadda ka shaqeeya kuwaas oo lixdii sano ee lasoo dhaafay si maalinle ah uga shaqeeya degmooyinka gobalka Banadir.

Sida adag oo ay ku howl-galaan iyo sida xeesha dheer oo ay ula socdaan muhiimadda ay ku fadhiso shaqada ay hayaan ayaa doorkooda ka dhigay qeyb kamid ah is-beddelka muuqaal ahaan laga dareemayo muraayadda dalka ee Muqdisho.

Waxay ila tahay waa waxa ugu mudan oo qof ka shaqeyn karo haddii la eego sida mas’uuliyad shacbi loogu guntami karo,” ayuu yiri Axmed.

Gobaale ayaa intaas ku daray: “Si fiican ayaan kaga mahad-naqay shaqada an hayo. Waxay ila tahay inaan kalsooni ku qabo juhdigeennu inuu sare u dhigi karo muuqaalkeenna.”

Labaduba waa tiro kamid ah kumaakun Soomaali ah oo shaqadan si maalinle ah ugu heelan. Balse ma ahan oo kaliya kuwa aan wax-baran. Waxaa jira xirfadlayaal aqoon ku filan ka gaaray deegaanka oo shaqadan kala dhinac shaqeeya.

Waxaana kamid ah Maxamed Maxamud Faarax iyo Fartun Nuur Maxamed oo labaduba dhawaan-gal ku ah shaqadan. Kolkii ay howshan soo qaabilayeen, way u caddayd hadafka iyo howl-galka ay ku jiraan.

“Inaan bedelno aragtida bulshadu ka qabto howlaha nadaafadda iyo qashinka ayaa kamid ah howlgalkeenna,” ayuu yiri Maxamed. “Berigii aan ka shaqeyn jiray meel ka baxsan shaqadan iyo maantaba, waan dareensanahay muhiimadeeda,” ayay sii raacisay Fartun.

Aragtida laga dhiibto shaqaalaha nadaafadda aalaaba mahelin baraarug midaysan. Balse iyada oo loo fiirinayo sida howshan loogu baahan yahay, badi bulshadu waxay si niyad leh ku soo dhaweeyeen howshooda.

“Maba arag qof igu dhiba shaqadeyda,” ayuu yiri Axmed isaga oo gaari sii saaraya kartoon qashin uu ku jiro. “Dhammaantood waxay noola shaqeeyaan si fiican.”

Walise waxaa jira in kale oo la nool tagtadii hore. Isku qurxinta iyo u labisashada shaqadan ku lugta leh ururinta iyo fogeynta qashinka, waxay dad badan ku kaliftay inay ka fikiraan sida shaqaale nadaafadeed uu ugu labisan karo sida madaxda. In kasta oo tani ay tahay hadaf iyo yool uu Maxamed ku doonayo inuu ku baddalo fikirka bulshada ee ku aadan shaqaalahada nadaafadda, hadana waaya’aragnimada uu kala kulmay ayaa sidan u badatay.

“Dadku sida ay qashinka ku arkaan ayay rabaan inaad u ekaato – mana dhacayso,” ayuu yiri. “Nadaafad marka aad ka shaqeyneyso waa inaad adigu nadiifsan tahay si dadku ay kugu daydaan.”

Hayeeshe, tani ma ahan caqabad aad u weyn iyo mushkilad ay dhibsadaan in badan oo shaqaalaha nadaafadda kamid ah. Jiritaanka howl adag oo u baahan in dib loogu daryeelo diifta ka muuqata deegaanka, waxay abaal raaga iyo ajir ay ku nacfiyaanba ka dhowrayaan bulshadooda.

Farriintooduna way cadahay.

“Ugu yaraan haddii aadan qeyb ka noqon karin bilicda deegaanka, qeyb haka noqon caqabadda riixaysa inaan qashinka laga takhalusin.”

Dal bilic leh iyo dadka badqaba waxaa dhalin kara howl hufan oo hagar la’aan ay ku qabtaan shaqaalaha nadaafadda. Waana qadarin iyo xushmad midda ugu yar ee looga mahad naqi karo abaalkooda. Taasina waa doorasho qof kasta u furan iyo mas’uuliyad guud oo naga wada dhaxaysa.

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.

Kala xiriir: hiraal86@gmail.com

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*