Home / Features / 10 October – Maalinta Caalamiga ee Caafimaadka Dhimirka

10 October – Maalinta Caalamiga ee Caafimaadka Dhimirka

Muqdisho – Inta lagu jiro nolosha ka danbeysa qaangaarka, qeyb ballaaran oo waqtigeenna kamid ah waxaan ku bixinaa shaqada. Waaya’aragnimadeenna shaqada waa mid kamid ah siyaalaha go’aamiya badqabkeenna. Shaqaalaha iyo maareeyaasha waxay ku noqoneysaa lama huraan hubsashada badqabka sixo iyo wacnaanta howlgalka ee xubnaha kala shaqeeya goobaha shaqada si kor loogu dhigo wax soo saarka.

Deegaan shaqadiisu taban tahay, geesta kale, wuxuu in badan ku hoggaamin karaa dhibaatooyin caafimaad-darri oo dhinaca maskaxda iyo jirkaba haleela taas oo ka dhalan karta isticmaalka halista leh ee maandooriyaha sida Qamriga iyo xaaladaha kale ee dhalin kara buuq maskaxeed.

Intaas waxaa dhanbaal ay barteeda ku qortay Hey’adda Caafimaadka Dunida ee WHO. Walaaca iyo buuqsanaanta maskaxeed waa siyaalaha ugu waaweyn ee lagu yaqaan sababaha cudurkan taas oo saameyn xooggan ku leh howlkarnimada shaqada iyo wax soo saarka. Duni ahaan, in ka badan 300 oo milyan ayaa la dhiban walaaca. Sidoo kale, in ka badan 260 milyan ayaa la nool xanuunno ku dhashay isku buuqsanaan xagga maskaxda ah.

Daraasad dhawaan-gal ah oo ay hormuud u ahayd WHO ayaa lagu qiyaasay in walaaca iyo isku buuqsanaanta dhimirka ay ku baxaan adduun dhan hal tirilyan oo doolar sanad kasta.

Caafimaadka Dhimirka ee Goobaha Shaqada waa hal-ku-dhega sanadkan loo qaatay Maalinta Caalamiga ee Caafimaadka Dhimirka si sare loogu dhigo wacyiga la xiriira xanuunkan loona xoojiyo dadaallada lagu taageerayo daryeelka bukaannada la nool.

Ku dhawaad 20% carruurta adduunka iyo qaangaarta ayaa qaba xanuunno dhinaca maskaxda ah. Tiro kamid ah dadka qaba baahiyaha gaarka ah waxaa sababteeda dib loogu celiyaa xanuunno dhinaca maskaxda ah oo haleelay.

Marka loo eego WHO, 800,000 oo qof ayaa sanad kasta qudha iska jara ama isdila. Is-dilku waa sababta labaad ee dhimashada da’yarta ku jirta da’da u dhaxaysa 15-29 sano. Waxaa jira qeexitaanno dhowr ah oo caddaynaya in – halkii isdil ee dhaca – gadaashiisa ay jiraan ku dhawaad 20 isku day oo fashilmay.

Koofur Kuuriya waa dalka ugu is-dilka badan adduunka. Barnaamij ay al-Jazeera ka sameysay saddex sano kahor ayaa lagu sheegay in maalin kasta 50 qofood ay is dilaan ama isku dayaan inay is dilaan.

Dagaallada iyo burburka ayaa sidoo kale door ballaaran ku leh xanuunnada dhimirka iyo fiyoobida seykoliji ahaaneed. Xanuunnada maskaxdu waxay sidoo kale gogol xaar u yihiin halista cudurrada kale sida Kaadimacaanka.

Mahadhada iyo takoorka ay bukaannadu kala kulmaan qoysaska iyo mujtamaca waxay kahor tagtaa inay daryeel dhinaca caafimaadka ah raadsadaan. Carqaladaynta xuquuqda aadanaha ee dadka qaba xanuunnada dhimirka waxay yihiin kuwo si joogto ah looga soo tebiyo dunida oo dhan.

Waxaa jira shan caqabadood oo hortaagan in sare loo qaado helidda adeegga caafimaadka dhimirka. Maqnaanshaha qeybtan ee ajendaha caafimaadka dadweynaha iyo maal-gelin la’aantu waa labada ugu weyn. Halka yaraanta shaqaale u xirfadaysan daryeelka bukaannada dhimirka ka jiran ay sabab kale oo weyn u tahay xal u helidda cudurrada dhimirka.

Si kastaba, halka dad badan moodayaan inaan laga takhalusi karin cudurrada dhimirka ku dhaca, dhaqaatiirta ku gaaroobay cudurkan waxay ku kalsoon yihiin in laga takhalusi karo – haddii dhugasho gaar ah loo yeesho daryeelkooda.

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.

Kala xiriir: farriin-danabeed; hiraal86@gmail.com

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*