Home / Features / Sidee Qofku aqoontiisa si samafal ah ugu celin karaa Bulshadiisa?
imo_3-1

Sidee Qofku aqoontiisa si samafal ah ugu celin karaa Bulshadiisa?

Muqdisho – Dunida marna mayeelan maalin la wada ladan yahay: mana yeelan maalin la wada dhibtoon yahay. Hayeeshe maalinna way kasii naruuro fiican tahay maalin kale. marka aynu leenahay saaxiibo rumaad, dharaar walba waxay leedahay milgo.

Waxaa jira maalmo dhaama maalmaha oo qofka dubaaqiisa ku reebaa abaal aan go’in ama mahadho aan tirmin. Marka maalmaha adag ay isku kaa biirsadaan – haddii aadan helin gacan ku taageerta – waxaa ku galaya niyad-jab.

Abaalka Aadmigu isku galo ma ahan arrin la xiriirta caqiidadiisa oo kaliya. Waxaa jira baxaalli insaani ah oo qofka ku beeran kaas oo dareenkiisa ku hoggaamiya inuu saacido dhiggiisa.

Dunida inta macluusha iyo gaajada la nool waxaa ka badan inta dheregta dhibaatada ay ka helaan la dhiban. Halka insaan badan oo ladan uu noloshiisa gaarka ah ku mashquulay qurxinteeda, waxaa jirta in kale oo ladan oo maya ku tiraahda musiibooyinka iyo marxaladaha adag oo insaanka dhiggiisa ah uu la nool yahay. Waana iftiin hadiyo jeer u shidnaa dadka liita iyo abaal loo ergeysto oo ay kaga mahdiyaan kuwa ladan.

Balse falsafaddan insaaniga ah ma ahan mid loo wada siman yahay dadyow ahaan. Xittaa in kasta oo dad badan oo diinta Islaamka heysta ay ku ladan yihin dunida, waxaa jira walaalo Muslimiin ah iyo ina Aadan kale oo heliwaaga gargaarkooda nolosha ugu rafaada. Waxay yiraahdeen Muslimiintu waa dadka ugu hodansan adduunka uguna faqriga badan.

Mowduuca falsafadda cadaaga ama wax bixinta waxaa muuqata inaynan si qoto dheer u fahmin. Dhammaanteen waxaan u badannay hal dhinac inaan ka eegno wax bixinta. Qof walba oo shaqeysta, wuxuu caadaystay inuu miraha dhididkiisa sadaqeysto. Laga soo bilaabo qofka caalimka ah iyo midka caamada, fikirkeennu waa iskaga mid.

Kasokow sida Muslimiintu maanta ay uga hooseeyaan umadaha kale heer nololeed ahaan, haddana dhibta gaarka inoo heysata ma ahan wax soo saarkeenna oo liita. Sida aan iskugu faa’iideyno kaalinta midba uu kan kale dheer yahay waxay noqon lahayd mid wax weyn ka qabata dhibaatooyinka ina heysta. Balse aalaaba madhacdo taasi. Wax fudud ayay iska noqotay in qofku uusan cibaado u arag waqtigiisa qeyb kamid ah inuu cilmigiisa uga faa’iideeyo – qaab samafal ah – bulshada u ooman.

Qiyaas haddii qof kasta oo Soomaali ah xirfadda uu ku shaqeysto uu si samafal ah – waqtigiisa ugu khidmeeyo dadka u baahan oo aan qarashka iska bixin karin.

Tusaale ahaan, haddii qofka timajaraha ah uu timaha lacag la’aan bishiiba mar ugu jaro ilmaha darbi-jiifta – bedelkii uu lacag kasiin lahaa – saameyn intee la’eg ayay qalbigoodu ku reebeysaa? Haddii jirdhise kasta oo xarun jirdhis u furan tahay uu dadka baahiyaha gaarka ah qaba ay usii dheer tahay dhaqaal-yarida uu bilaash isbuuciiba laba jeer uu laba qof jimicsi ugu sameeyo, qalbigooda niyad ahaan waxay ku reebeysaa inaysan dareemin takoor iyo cidlo.

Baahida caafimaad oo hadiyo gooraale joogto ah waxaa jira qeyb aan haqabeel noqon oo ah dadka la halgama dhuuniga maalmeed oon u heli karin qarash ay iskaga bixiyaan adeeg caafimaad.

Baahidani dunida oo dhan waxay uga jirtaa siyaalo isku mid ah, hayeeshe si kala duwan ayaa loogu kala dhow yahay haqab-tirkeeda. Waxaana jira howl-wadeenno caafimaad oo daryeel caafimaad oo bilaash ah siiya dadka dhiban iyo kuwa gidaarrada jiifsada.

Mid kamid ah samafalayaashaas waa Dr. Jim Withers oo in ka badan 20 sano si lacag la’aan ah ku dabiiba dadka darbi-jiifta ah ee ku nool Maraykanka. Wuxuuna ugu tagaa gabaadkooda. Isaga oo ka saacida sidoo kale inay helaan ceymis caafimaad iyo kaabayaasha kale ee nolosha.

Tacliinta markaynu eegnana waxaynu heli karnaa haldoorro badan oo u istaagay inay jiil aqoon-yahanno ah kasoo saaraan bulshooyinka faqriga la dhiban. Rajesh Kumar Sharma oo arday sabool ah iskuul uga hoos furay buundo ay baabuur dul maraan iyo Kamal Parmar oo isna ardayda aan heli karin adduun ay iskaga bixiyaan lacag iskuul u furay ayaa kamid ah tusaalayaasha haldoorrada.

Labaduba waxay istuseen in tacliintu tahay hubka kaliya ee bedeli kara carruurtan la nool faqriga. Halkii ay maanta ka dherjin lahaayeen caloosha, waxay go’aansadeen inay cindigana u buuxiyaan si ay isku filnaadaan mustabqalka.

Dadka culuumta deegaanka iyo beeraha ku xeel-dheer haddii aynu eegno kaalintoodana, waxaan heli karnaa haldoorro abid-cagaaran ka dhigay dhulkooda. Abdulsamad Sheikh oo maalin kasta geed beerayay 48-kii sano ee lasoo dhaafay iyo Jadav Payeng oo 40 sano ay ku qaadatay inuu ku beero keyn ballaaran ayaana ku jira haldoorrada.

Si kastaba, falsafadda ah kaliya ha u qaadan sadaqada siinta hunguri iyo lacag qofka dhiban ama faqriga ee ku biiri tayada xirfadda aqoontaada. Haddii qof walba oo dhibanaha baahiyaha uu qabo la kala qeybsado waxaa soo baxaysa bulsho mar qura wadajir uga soo wada kabsata mushkildaha hareeyey.

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.

Kala xiriir: farriin-danabeed; hiraal86@gmail.com

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*