Home / Features / Qaraxii Zoobe – Wixii Dhacay Mafududeyn.
isbital-4-768x432

Qaraxii Zoobe – Wixii Dhacay Mafududeyn.

Muqdisho – Dhawaaq kasta oo wali kusoo dhaca dhegahaada ama muuqaal walba oo aad baraha bulshada ka eegto wali waxaa taagan tiiraanyada musiibadii foosha xumeyd ee ka dhacday is-goyska Zoobe Maalintii Sabtida.

Taniyo markii ay aafadani dhacday, qof kasta oo Soomaaliyeed waxay u ahayd maalin qaraar. Dhammaan wax walba oo ay indhaheennu qabteen, lama awoodi karo in la qeexo. Mana muuqato ereyo u dhigma oo lagu micnayn karo wixii dhacay.

Subaxnimadii hore intii is-goyska soo martay, waxay fiidkii kusoo lugeeyeen duni aan u dhaweyn middii ay arooryo badan ku arki jireen. Waxaa jira laba xanuun oo marna aan ka go’i doonin qalbiyada shacabka. Midi waa sida  tiro qoysas Soomaaliyeed ah ay ugu aabe, hooyo iyo carruur waayeen qaraxa.

Midda kale oo qaranku lumiyayna waa sirooyinka ku hoos duugnaa xusuusaha dadkii ku dhintay oo mid kasta uu hammi fiican u hayay waddankiisa.

Waxaa burburay riyooyin iyo yididiilo qurxan oo qof walba uu maankiisa noogu keydinayay. Waxaa lumay rajo mid kasta oo kamid ah uu ka lahaa dalkiisa kahor inta uusan wedka u imaan.

Waxa taasi kasii dhow ayaa ah sida mid kasta oo kamid ah kuwii ku baxay goobta ay ugu taamayeen inay habeen nabadeed iyo waa kale oo samaad ugu soo laaban doonaan nolosha ay ku qanceen inay ku qaataan dhulkooda hooyo.

Waxaad aadanow maagan tahay – adiga iyo maankaagu iyo meel aan Ilaahay ku marin kala mid weeyaan.

Qoysaska dadkoodu ku dhinteen qaraxa waa kuwa ugu bohol-yowga daran tiiraanyada xanuunka ay ku heyso dhimashada ehelkii ay jeclaayeen. Balse gedigood mawada lahan nasiib ay ku arkeen wajiyada axbaabtooda.

Shalay oo dhan waxaa xabaalaha loo galbinayay wejiyo ugu yaraan aan godob u dhiman – hayeeshe ayaankoodu dhamaaday. Mar kasta oo qof la aasaba, bulshadu qalbiga ay ku hayeen mahadhada tiiraanyada leh ee geeridiisa.

Hayeeshe waa kuwa aan wali meel ku arag raqda dadkoodii ku le’day musiibada inta aan wali helin waddo ay kaga sabraan. Baadigoobku waa joogto ay har iyo habeen ugu jiraan heliddooda. Qaar ayaan ogeyn haddii kol hore la xabaalay iyo in kale. Kuwana wali waxaysan ka garan karin wejiyada doorsoomay ee qaraxu humaaga tiray.

Warbixinnada isasoo tarayay ee dhacdada laga diiwaan-geliyay waxay hadba lahan qarsoon iyo uur-ku-taallo ku reebayeen shacab-weynaha. Markii tirada dadkii ku dhintay ay ku dhawaatay 250 qof, dunidu waxay ogaatay inuu ahaa mid kamid ah qaraxyadii ugu aafada iyo balada badnaa ee dunida ka dhaca.

Canbaarayntu waa farriinta ugu xooggan ee ilaa iyo hadda dunida kale kasoo baxaysa. Laakiin taasi waxba kama tari karto heerka tiiraanyo ee shacbiga Soomaaliyeed. Si walba oo ereyada ugu adag loogu adeegsado dhaleeceynta wixii dhacay, marna kama daminayso qalbiyada umadda dabka iyo hurka ku shidan.

Waxa caqligu wali suuradayn la’yahay waa sida hal qarax uu ku galaafan karo nolosha dad intaas la’eg – in kalana uu ku wax-yeeli karo.

Badnaanshaha inta naf ee ku baxday xaggiisa awgeed, qofna isma weydiinin waxa kale ee lagu waayay. Waxaan wali la isasa su’aalin heerka wax-yeello oo uu sidoo kale kaga tagay burburka hantiyadeed oo ay iska cadahay inaysan yarayn.

Waa maalin kale oo adag oo taariikhdeenna galaysa iyo mahadho aan tirmi doonin. Saadaashuna ma sahlana. Mustaqbalka inta wali nool ee Muqdisho ku sugan haddii aysan u caddayn, ugu yaraan malahan wax qoomamo ah. Waana guusha kaliya oo bulshada caasimadda kuwaas oo maalmo adag soo maray ay ku dhiirradeen inaysan lumin rajada macaan ee nolosha.

Marka si guud loogu kuur-galo dadkii naga baxay, Soomaaliya waxaa ku dhacay wixii Alle u qoray. Sabirka iyo Alle kaashigu waa waxa kaliya ee qalbigeenna ku haray. Waxaana aynu og nahay inay bogsimaad u tahay musiibada dhacday.

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.

Kala xiriir: farriin-danabeed; hiraal86@gmail.com.

 

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*