Home / Features / Madaxweyne Macron oo ka carooday fal uu eygiisa ku kacay xilli uu shir ku jiray.

Madaxweyne Macron oo ka carooday fal uu eygiisa ku kacay xilli uu shir ku jiray.

Muqdisho – Madax-weynaha Faransiiska ayaa wejigiisu guduutay markii eygiisu uu ku kaadiyay kal-fadhi uu kula shirsanaa madax, marka loo eego muuqaal lasoo dhigay baraha bulshada.

Falkan ayaa ka dhacay Elysee Palace kadib markii madaxweyne Emmanuel Macron uu la hadlayay saddex kamid ah xubnaha xukuumaddiisa.

Brune Poirson oo qeyb ka ahayd shirka ayaa sheegtay inay maqashay cod qeylo dheer. Markii ay fiirisay waxay aragtay eyga madax-weynaha oo qasriga hortiisa kusoo socda.

Mid kamid ah lugihiisa ayaa kor u taagnaa, wuxuuna ku keydinayay meel u dhow.

Madaxweyne Macron wuxuu raali-gelin ka bixiyay falkan eygiisu uu sameeyey. Waxaana la arkayay inuu aad uga xumaa.

Macron wuxuu tilmaamay in falkan uu yahay mid aan caadi ahayn oo laga baran eygiisa.

Isaga iyo afadiisa waxay lacag dhan $250 eygan kaga soo iibsadeen meel lagu xanaaneeyo.

Muuqaalka dhacdadan oo lasoo dhigay baraha bulshada ayaa aad ugu baahay.

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*