Home / Features / Nin $1000 ku helay Shinni uu ku dul-fariistay muddo 30 ilbiriqsi ah.

Nin $1000 ku helay Shinni uu ku dul-fariistay muddo 30 ilbiriqsi ah.

Muqdisho – Nin reer New Zealand ah ayaa qaniinyada Shinnida ka dhergay kadib markii uu muddo 30 ilbiriqsi ku dul fariistay kolay Shini ku jirto, marka loo eego muuqaal fiidiyow ah oo laga soo qaaday internet-ka.

Jamie Granger oo ku nool Tauranga wuxuu u shaqeeyaa keydinta Shinnida. Maalin Aurel Braguta, oo saaxiibkiis ah, ayaa u balan-qaaday lacag dhan 1,000$ haddii uu dhar la’aan ku dul-fariisto Shinni muddo 30 ilbiriqsi.

Granger wuxuu sheegay in qaniinyada mar qura kaaga timaada Shinni badan ay xanuun badan tahay.

Wuxuu 30 ilbiriqsi ku fariistay Shinnida, wuxuuna helay 1,000$.

Braguta wuxuu muuqaalka uu kasoo qaaday soo dhigay baraha bulshada halkaas oo ay si ballaaran ugu faaftay.

Braguta wuxuu sidoo kale sharad arrintan kula galay saaxiibkiis Shane, balse 19 ilbiriqsi kadib wuxuu u dul-qaadan waayay xanuunka wuuna cararay.

Shane lama siinin wax cawilaad ah maadaama uusan dhammaystiran 30-kii ilbiriqsi.

 

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*