Home / Features / 21 Nov – Maalinta Caalamiga ee Telefishanka.

21 Nov – Maalinta Caalamiga ee Telefishanka.

Muqdisho – Garwaaqsiga saameynta kordhaysa oo fogaan-aragyadu ku leeyihiin go’aan gaarista iyo jiheynta dareen weynaha caalamka ee ku foolan xasaradaha, nabadda iyo amniga iyo sidoo kale doorka ay ku leeyihiin dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada, Kal-fadhiga Guud ee QM ayaa 21 Nov u aqoonsaday Maalinta Caalamiga ee Telefishinka bishii 17 December sanadkii 1996-kii.

Maalinta Caalamiga ee Telefishinka ma ahan madal xuskeeda loo dabaal-dego oo kaliya ee waxay fogaan-aragyadu metelaan astaan dunida oo dhan isku xiraysa.

21-kii iyo 22-kii November sanadkii 1996-kii, QM ayaa qabatay kooramkii ugu horreeyey ee telefishinka caalamka halkaas oo hormuudka warbaahinta dunida ay ku kulmeen baaqa Kal-fadhiga Guud si looga doodo muhiimadda ay telefishinnada caalamku ku leeyahay is-bedelka. Waana sababta ugu danbeyn keensatay in 21 Nov loo aqoonsado Maalinta Caalamiga ee Telefishanka.

Oo maxaa maanta oo kale aan loogu aqoonsanyn Maalinta Telefishanka?! Dunida oo dhan, daawashada tiifiyadu waxay noqdeen baahida koobaad ee xageeda loo sii dhamaanayo. Marka loo eego tirakoob laga sameeyey Boqortooyada Ingiriiska sanadkii 2015-ka, 95% guryaha muwaadiniinta waxaa laga daawadaa tiifiiga. Markii ugu horreysay ee ereyga TV la adeegsado wuxuu ahaa sanadkii 1948-kii.

Fogaan-aragyadu waxay noqdeen badweyn dhexdeeda laga heli karo nuuc  walba oo kamid ah dhacdooyinka sida diinta, siyaasadda, ciyaaraha, madadaalada iyo wixii soo raaca oo aan lahayn xeeb looga dego. Qof caadiga ah ee isticmaala dhalada gurigiisa u taalla, wuxuu celceliska waqtigiisa maalmeed ka siiyaa shan saacadood oo kala tagsan.

Laakiin su’aashu ma ahan inaan daawanno ee waa maxaan ka daawanaa?! Kala bar tiro kor u dhaafaysa, dunida oo dhami waxay kala socdaan barnaamijyada madadaalada u badan sida isboortiga, filimada iyo wixii la halmaala. Marka laga hadlayo carruurta iyo tiifiiga, mar walba oo ay waqti kooban ka daawadaan filimada carruurta ee kartoonnada ah, waxay u tahay madadaalo iyo firficooni. Hayeeshe in loo maareyn waayo waqtiga ay hor fadhiyaan shaashada ayaa iyadna ah caqabad halis ku ah naftooda iyo mustaqbalkoodaba.

Warbixin ay soo saartay wasaaradda arrimaha bulshada Sucuudiga ayaa lagu sheegay in ardayda Sucuudiga ahi uu waqtii wax-barashadiisa loogu tala-galay inay kaga baxdo uu ku qaatay daawashada tiifiiyada.  Sidaas darteed, daah-furka hal-abuurkii lagu sameeyey iqtiraaca tiifiiga, sida balaastikada oo deegaanka ku heysta halis muuqata, wuxuu kamid yahay kuwii ugu saameynta badnaa ee ina Aadan saameyn taban in ka badan middiisa togan.

Woody Allen ayaa wuxuu leeyahay noloshu kuma dayato farshaxanka ama suugaanta. Waxay tusaale iyo ku dayasho ka dhigataa tiifiiga xun.  Dhammaan fogaan-aragyada dayax-cagmeedyada sare ku ligan, waxay wada leeyihiin hadafyo kala duduwan oo fogaanta uu dhawaqooda gaari karo awgiis kaga faa’iidaysanaya inay raadeeyaan nolosha iyo masiirka umadaha kale.

Waana furaha koobaad ee maanta loo adeegsado nidaamka af-duubka ku dhisan ee globalization oo meeshii la doonana laga dhigi karo guban cidlo ah oo aan waxba oolin – ama geyi barwaaqo ah oo dhexdeeda lagu baraaray. Markii laga bilaabay baahinta tooska ah ee fogaan-aragga, Reer Galbeedku waxay ka shireen sida ra’yul-caamka ama aragtida guud ee caalamka ay ula wareegi karaan.

Soomaalidu waxay kamid tahay bulshooyinka aad u daawada tiifiiyada. Kacaanka daawasho ee fogaan-aragyadu wuxuu socdaal dheer kadib maanta ku jiraa hal xulashada koobaad iyo aalad si fudud lagu heli karo. Mahad waxaa looga celin karaa ganacsiga baahaya iyo ku tiirsanaanta wax soo saarka tiknoolojiyadda. 17 sano kahor, guryaha laga daawado shaashadaha waxay ahaayeen kuwo tirsamaya. Halkii xaafadba waxaa dhici jirtay in toban cidood ay dhalo ka isticmaalaan. Maanta taasi waxay isku bedeshay caski. Tiro aad u yar oo guryo ah ayaan gurigooda ugu jirin dhalo ay daawadaan. La yaab malahan in labadii guri kasta oo iska soo horjeeda ay dhalooyin isticmaalaan. Balse la yaab sunniyaha lala taago ayaa ah in hal guri dhexdiisa laga isticmaalo wax ka badan laba dhalo meelaha qaar.

Ayaan-darro, fahamka la xiriira goorta ay tahay in la daawado: waxa ay tahay in laga daawado: iyo sababta loo daawanayo weli ma ahan mid si guud loogu baraarugsan yahay. Saameynta koraysa oo fogaan-aragyadu ku leeyihiin nolosheenna waxaa kamid ah buunbuubinta dhaqamada iyo caadooyinka umadaha kale taas oo liifadda usii gaabinaysa soo kabsashada dhaqankeenna. Mararka qaar, daawashada muuqaalka taxanaha ah ee musalsallada la yiraahdo, waxay da’yar badan ku dhaliyaan isliidid nafsi ah ama waxa afka qalaad lagu yiraahdo inferiority complex taas oo kaga timaadada dadka ay daawanayaan inay dhigaan meel ka sarreysa halbeeggii mudnaantooda.

In mararka qaar miisaan dhab ah la saaro waxa ay tahay in bulshada loo baahiyo waxay in badan tiir u noqon kartaa faafitaanka fikradaha gurracan ee lagu dhex baahiyo aflaamta ama baahinta joogtada ah ee ciyaaraha. Taasina waa mas’uuliyad saarmaysa xarumaha tiifiyada ku tiraaba afka Soomaaliga oo ay muhiim tahay inay ogaadaan inay fursad naadir ah oo aan cid kasta helin ay u heystaan gudaha guri kasta. Waa lama huraan marka in la ogaado farriin sidee ah ayaan ku gudbin karnaa shaqadeenna.

Waddada kale ee qoysaska u furan inay qaadaan waa hubsashada in waqti walba aysan hor fadhiisan shaashadda oo waqti cayiman loo sameysto.

Balse inta si qoto dheer loogu baraarugayo ka dheefsiga dhnaca togan ee tiifiiyadu baahiyaan, dhinaciisa taban oo loo batay waxay ragaadin doonaan mustaqbalka iyo masiirka jiilka maanta hana-qaadaya.

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*