Home / Features / 10 Dec – Maalinta Caalamiga ee Xuquuqda Aadanaha.

10 Dec – Maalinta Caalamiga ee Xuquuqda Aadanaha.

Muqdisho – Maalinta Caalamiga ee Xuquuqda Aadanaha waxaa la xusaa sanad kasta 10-ka bisha Dec – oo ah maalintii Kal-fadhiga Guud ee QM uu la qabsaday Baaqa Caalamiga ee Xuquuqda Aadanaha sanadkii 1948-kii.

Sanadkan, Maalinta Xuquuqda Aadanaha waxay garabka ku heysaa sanad-guuradii 70aad ee kasoo wareegtay Baaqa Caalamiga ee Xuquuqda Aadanaha. Waxaana laga sameeyey dukumenti lagu dhex faahfaahiyay xuquuqda qof walba uu u leeyahay ka Insaan ahaan – u eegis la’aan midabkiissa, diintiisa, luqaddiisa, heybtiisa iyo fikirkiisa. Dukumentigan ayaa sidoo kale ah midka loogu turjumada badan yahay kaas oo lagu heli karo in ka badan 500 oo luqadood.

Baaqa Caalamiga ee Xuquuqda Aadanaha wuxuu ka kooban yahay ama lagu xusay 30 xuquuqul-Insaan oo qofku xaq u leeyahay heliddeeda.

Hayeeshe, dunida wali kama aysan idlaanin rabshadaha iyo xad-gudubka ka-dhan-ka-ah xuquuqda aadanaha. Sida lagu qoray mareegta Dosomething.org, 40 milyan oo carruur ah oo da’da 15-jir ka yar ayaa ku sugan dayacaad iyo dhibaatayn. Tiro lagu qiyaasay 27 milyan oo qof ayaa lagu addoonsadaa Ka-ganacsida Dadka ee Suuqa-madow.

In ka badan 300,000 oo carruur ah oo da’da 18-jirka ka yar ayaa loo adeegsadaa askareynta iyo dagaallada. Halka ku dhawaad 121 milyan oo carruur iyo qaan-gaar kale isugu jira aysan helin fursad wax-barasho ama lagu qabso inay tacliinta isaga haraan.

Sida lagu qoray mareegta theresponsiblebusiness.com, rabshadaha ka-dhanka-ah haweenka iyo gabdhaha waa midka ugu xanuunka badan – halkaas oo haween ka badan 603 milyan ay ku nool yihiin dalal wali rabshadaha lagu hayo aan looga aqoonsan gabood-fal xad-gudub ku ah xuquuqda aadanaha.

Kumaankun qofood oo Muslimiinta Rohingya ah ayaa u dhaxeeya qax, qalalaaso iyo xasuuq. QM ayaa ku qeexday gumaadka ka-dhanka-ah tira-yarta Muslimiinta ah ee ku dhaqan dalka Buudiska u badan ee Myanmar – buugga isir-sifeynta. Kufsiga iyo guur-ka-huriweytada ah ee lagula kaco qaxootigan Rohingya ee usoo baxsada dalka Bangaladesh ayaa sidoo kale qeyb weyn kaga jira xad-gudubyada waaweyn ee xuquuqda aadanaha ka-dhanka-ah ee qarnigan la diiwaan-geliyay.

Si kale marka loo yiraahdo, dadka Rohingya waa tira-yarta loogu dhibaataynta badan yahay dadyowga adduunka kuwaas oo xittaa waddamada ay uga baxsadeen xasuuqa lagu hayo aan ku heli soo dhaweyn huwan nabad-gelyo iyo gargaar caalami ah.

Is-kahor-imaadyada hubeysan waxay dileen laba milyan oo carruur ah, cuuryaamiyeen 4-5 milyan – halka 12 milyan oo kale ay dhigeen hoy la’aan: hal milyanna ay agoomeeyeen 10-kii sano ee lasoo dhaafay.

Waxaa jira tiro lagu mala-awaalay 246 milyan oo carruur ah kuwaas oo xoogooda lagu shaqeysto dunida oo dhan. Geeddi-socodka taariikhda, haweenku waxay ahaayeen kuwa loo diido wax-barashada iyo micno walba oo ay ku suura-gelin karaan wax-u-qabsashada lafahooda iyo carruurtooda.  

Halka dad badan aysan heli karin hanashada xuquuqaadka aas’aasiga u ah, haddana dhammaan adduunka oo dhami si siman uguma wada raaxaysan karo qodobada xuquuqda aadanaha ee lagu saxiixay Baaqa Caalamiga. Wax laga yaabo inaysan dad badan ula muuqan xuquuq dadka kala dhaxeysa ayaa caadi ka noqday bulshada dhexdeeda.

Soomaaliya waxay kamid tahay goobaha aadku uga jiro xad-gudubyada kala duwan ee xuquuqda Aadanaha, marka loo eego warfidiyeenka caalamka. Suxufiyiintu waa kuwa ku jira kaalmaha hore. Balse dhinaca qaraar ee ka-dhanka-ah xuquuqda aadanaha oo dalka ka jira waa sida aan u awood weynay u dabaal-degista kala duwanaanshaheenna taas oo gunta ka jaraysa isku duubnideenna iyo wada noolaanshaha naga dhaxeeya.

Kala bar mushaakilka ku horgudban isku xirnaanteenna waxaa lagu celin karaa dhowris la’aanta xuquuqda aan isku leennahay taas oo mar kasta albaab cusub u furaysa sedbursiino iyo qoonsimaad.

Maanta oo dunida laga xusayo Maalinta Caalamiga ee Xuquuqda Aadanaha, waa muhiim inaan dib u garowsano xuquuqda aan isku leennahay iyo sida aan ku ilaalin karno mas’uuliyadda naga saaran dhowrista xaqa mid kasta oo inaga mid ah ku leeyahay dhiggiisa Soomaaliga ah – u eegis la’aan midabkiisa, qabiilkiisa, mad-habtiisa, deegaankiisa iyo wixii la halmaala.

Markaas ayaa si lamid ah dunida kale aan ugu raaxaysan karnaa hoobaanta laga gurto ilaalinta xuquuqda aadanaha. Sidaas darteed, aynu maantaba guryaheenna kasoo bilowno ol’ole aan jiilka cusub ku fahamsiinayno ilaalinta xuquuqda ay bulshadooda ku leeyihiin si ay ugu naaloodaan midkooda.

Qore: Zakariya Xasan Maxamed. 

 

 

 

  

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*