Home / Xulka cayaaraha / Aguero oo ku faraxsan joogitaankiisa City.

Aguero oo ku faraxsan joogitaankiisa City.

Muqdisho – Sergio Aguero ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay joogitaanka gegida kooxda City ee Etihad isaga oo ku tilmaamay kulanka ay United-ka ka la kulmayaan midkii ugu muhiimsanaa sanadkan.

Rikoor-haya gool-dhalinta naadiga ayaa sagaal jeer soo taabtay shabaqa xagaagan, waxaana la filayaa inuu fure u noqonayo kulanka adag ee kooxda ay la dheeli doonto United-ka.

Xiddigan ayaa ku niyad-weyn inuu shacbiyad kasoo hooyo kulanka, sidoo  kalana uu naadiga u suura-galiyo inay dhibcaheeda badan kusii xejiso hoggaanka horyaalka.

“Waxaan dareemaya wanaag,” ayuu u sheegay Sky Sports. “Waan ku faraxsanahay rikoorkayga, waana ku faraxsanahay joogitaanka gurigayga.”

“Wuu ka fiican yahay kana adag yahay horyaalka Spain. Aniga ahaanna waxaan ku niyadsanahay halkan inaan ku sugnaado,” ayuu sii raaciyay.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*