Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Habka-Nolosha / Heegan oo guul ku soo gebagabeysay qeybta koowaad ee horyaalka kubadda koleyga

Heegan oo guul ku soo gebagabeysay qeybta koowaad ee horyaalka kubadda koleyga

Kulan xiiso badan oo ay ka soo qeyb galeen Masuuliyiin, Cayaartoy hore iyo taageerayaal tiro badan gebagebana u ahaa qeybta koowaad ee horyaalka kubadda koleyga Soomaaliya ayaa lagu dheelay gegada Wiish Stadium.

Kulankan ayaa dhexmaray kooxaha xagaagan ku loolamaya hanashada horyaalka kubadda koleyga ee Heegan iyo I.L.S.

Cayaarta waqtigii loogu talo galay kooxda I.L.S ayaa lagu qaarijiyay labo jeesto iyo hal Personel iyadoo la timid 60 dhibcood halka Heegan oo daafacaneysa ay la timid 65 dhibcood.

Heegan ayaana xagaagan gaartay guusheedii sagaalaad oo xiriir ah waxayna ku jirtaa booska koowaad iyadoo Seddex dhibcood dheer kooxdii ay u awood sheegatay ee I.L.S.

Kulanka oo ay dhexdhexaadinayeen Axmed Cabdulaahi Faarax ‘Baroodo’, Maxamed Xuseen iyo Saacid Axmed Abuukar waxaa xiddiga garoonka qaatay cayaaryahanka Cali Maxamed Aadan ‘Barawiini’

Kulanka markii uu soo idlaaday garoonka munaasabad yar ayaa ka dhacday koob loogu talo galay xusuusta Marxuumiinta Sports dalka ayaana lagu abaalmariyay kooxdii guuleysatay ee Heegan.

Guddoomiye ku xigeenka kubadda gacanta Shamso Cabdulle Butugeey ayaana abaalmarinta koobka ah ku wareejisay kooxdii guuleysatay.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan