Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Habka-Nolosha / Banaadir SC iyo Elman oo barbaro ku kala baxay

Banaadir SC iyo Elman oo barbaro ku kala baxay

Kooxda kubadda cagta Banaadir SC ayaa kulan xiiso badan la dheeshay dhigeeda Elman oo si weyn ay u xifiltamaan.

Qeybtii hore oo kulanka waxaa lagu kala baxay barbaro goolal la’aan ah hayeeshee qeybtii labaad bilowgeedii, daqiiqaddii lixaadba waxaa Banaadir SC hogaanka u dhiibay C/risaaq Cali Maxamed.

Cayaarta oo u muuqato gebagebo iyo inay guul la hoyaneyso Banaadir SC waxaa gool ka soo barbareeyay cayaarta oo waqtiga dheeriga uu socdo kabtanka Elman Xasan Cali Rooble Babaay.

Elman ayaa labo cayaartoy kaarka casaanka looga taagay waxayna kala ahaayeen daafacooda  Maxamed Cali Shiine iyo Yuusuf Maxamed Diiriye Sanyuura oo cayaarta oo dhamaatay kaarka cas la siiyay markii uu sameeyay aflagaado garsoore.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan