Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Habka-Nolosha / Jeenyo oo guul ay u baahneyd ka gaartay Gaadiidka

Jeenyo oo guul ay u baahneyd ka gaartay Gaadiidka

Kooxda kubadda cagta Jeenyo ayaa guul sare u qaaday hankeeda horyaalka ka gaartay kooxda Gaadiidka oo kulankii 12aad oo horyaalka Soomaaliya ay wada dheeleen.

Cabduqaadir Daandii ayaa shabaqa gaaray daqiiqaddii 21aad ee cayaarta si hogaanka 1-0 ay ugu qabato kooxda Jeenyo.

Sagaal daqiiqo kaddib Cabdicasiis Maxamed Catoosh ayaa hogaanka kooxdiisa u dheereeyay oo dhaliyay goolkii labaad ee Jeenyo.

Cayaarta qeybteedii koowaad waxaa lagu kala nastay Gaadiidka oo labo gool kulanka looga hogaaminayo.

Qeybtii labaad waxay dadaal u gashay kooxda Gaadiidka in goolasha ay iska soo guddo oo cayaarta ku soo laabato.

Daqiiqaddii 87aad waxaa yimid goolkii calanka oo Gaadiidka uu shabaqa u dhex dhigay Keynaan Saciid Maxmud (ke key), cayaarta ayaa ku soo idlaatay 2-1 oo guushu ay ku raacday Jeenyo.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan