Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Habka-Nolosha / Kulankii saaxiibtinimo oo dhexmari lahaa Belgium iyo Portugal oo la bedelay halka lagu dheelayo

Kulankii saaxiibtinimo oo dhexmari lahaa Belgium iyo Portugal oo la bedelay halka lagu dheelayo

Xulalka Belgium iyo Portugal ayaa ku balansanaa in Belgium ay ku dheelaan kulan saaxiibtinimo maallinta Salaasada ee soo aadan.

Qaraxyo ismiidaamin oo ka dhacay Belgiumka shalayto ayaa horseeday dhimasha ku dhawaad 30 ruux iyo dhaawaca 250 qof, taa ayaana abuurtay cabsida ah in kulankaa aan lagu dheeli karin dalka dhibtu ka dhacday.

Cayaarta ayaa isla goortii loogu talo galay lagu dheeli doonaa magaalada Leiria oo ku taal dalka Portugal.

Kulanka dhexmaraya qaramada Belgium iyo Portugal ayaa ka mid ah kulamada saaxiibtinimo oo qaramadu isugu diyaarinayaan cayaaraha qaramada Yurub oo bisha June lagu dheeli doono Faransiiska.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan