Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Habka-Nolosha / Dekedda oo markale guuldarro baday Saxafi

Dekedda oo markale guuldarro baday Saxafi

Kooxda kubadda cagta Dekedda ayaa 4-1 ku dharbaaxday Saxafi oo ay isku arkeen kulan ka tirsanaa horyaalka Soomaaliya oo ka dhacay gegada Banaadir.

Chebuse Simons iyo Cabdi Kariin qubaaye ayaa labo gool Dekedda u dhaliyay daqiiqadihii 12aad iyo 23aad ee bilowga cayaarta.

Daqiiqaddii 26aad Cabdow ayaa hal gool u soo celiyay si cayaarta qeybteedii hore lagu soo idleeyo 2-1 oo Dekedda ay cayaarta ku hogaamineysay.

Macallin ku xigeenka Saxafi ayuu garsoore Maxamed Somali garoonka ka saaray qeybtii labaad ee cayaarta markii ay isqabteen sarkaalka afaraad.

Daqiiqaddii 89aad Chebuse Simons ayaa gool kala dhantaalay Saxafi shabaqa ku shubay inta aanu daqiiqad kaddib kubad uu Qubaaye ka shaqeeyay uunan shabaqa kor ka gelin Xasan Santos.

Cayaarta ayaa waqtigii loogu talo galay kusoo idlaatay 4-1, waxaana halkeedii kasii socotay inkaarta Saxafi ka heysata  inay ka talaabsato Dekedda.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan