Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Habka-Nolosha / Garsoorayaal Soomaaliyeed oo dhex dhexaadin doona cayaar ay usoo daawasho tegi doonaan madaxda FIFA

Garsoorayaal Soomaaliyeed oo dhex dhexaadin doona cayaar ay usoo daawasho tegi doonaan madaxda FIFA

Garsoorayaasha Soomaaliyeed Xasan Aadan Xaaji Yabarow Wiish, Xamze Xaaji Cabdi, Mahad Cali Maxamed iyo Bashiir Colaad Carab ayaa dhex dhexaadin doono kulanka adag oo dhexmari doona qaramada Gabon iyo Sierra Leone.

Kulankan oo ka tirsan AFCON ayaa ka dhici doona gegada Gabon ku taal France Villa waxaana u soo daawasho tegi doona Madaxweynaha cusub ee FIFA Gianni Infantino.

Sidoo kale Issa Hayaou oo xilka FIFA si kumeel gaar ah u hayay markuu baneeyay Blatter ayaa u soo daawasho tegi doona kulankan ay dhexdhexaadinayaan garsoorayaasha Soomaaliyeed.

Maallinta berito ah ayuuna kulankan ka dhici doonaa gegada France Villa.

 

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan