Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Habka-Nolosha / Tababaraha Uruguay oo la dhacsan weeraryahankiisa Luis Suarez

Tababaraha Uruguay oo la dhacsan weeraryahankiisa Luis Suarez

Tababaraha qaranka Uruguay Oscar Tabarez ayaa ku tilmaamay qaramada Latin Amerika inaanay heysan cayaaryahan u dhigma Luis Suarez.

Uruguay ayuu dib ugu soo laabtay Suarez isagoo ganaax ku maqnaa tan iyo koobkii adduunka, markaas oo uu qaniinay Giorgio Chiellini.

Kulankii Brazil ay ka hortageen ayuu xiddigu goolka barbaraha qarankiisa u soo celiyay, si cayaartu 2-2 ay labada qaran ku kala baxeen.

“Waa xirfadle cajiib ah. Wuxuu abuuray saddex fursadood cayaartii Brazil, hal gool ayuuna dhaliyay. Waa cayaaryahan aan isdhiibin, una dagaalama kubadda.”

Macallin Tabarez ayaana aaminsan in Suarez uu yahay xiddiga ugu qiimaha badan xiddigaha Latin Amerka kasoo jeeda.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan