Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Habka-Nolosha / Hordhaca kulanka ay wada dheelayaan Heegan iyo Gaadiidka

Hordhaca kulanka ay wada dheelayaan Heegan iyo Gaadiidka

Kooxaha kubadda cagta Heegan iyo Gaadiidka ayaa kulan xiiso badan ku balansan galabta gegada Banaadir Stadium.

Heegan waa kooxda horyaalka daafacaneysa, waxayna dooneysaa inay guul ka gaarto dhigeeda Gaadiidka.
Heegan ayaana ku riyaaqeysa guushii taariikhiga aheyd oo toddobaadkii tegay ay ka gaartay dhigeeda Muqdisho FC oo ay ku xasuuqday 8-1.

Gaadiidka ayaa iyana indhaha ku heyso sidii ay waddada guulaha ugu soo laaban laheyd, iyadoo meel iska dhigeysa jabkii ka soo gaaray toddobaadkii tegay kooxda Jeenyo oo 2-1 ku loogtay.

Ogow Gaadiidka ayaa aheyd kooxdii awoodda badneyd kulankii wareega koowaad oo horyaalka ay labada kooxood wada dheeleen bishii janaury.

Heegan ayaana dooneysa inay iska soo guddo deyntii lagu lahaa, maadaama Gaadiidku lugtii hore ay heshay guul 1-0 ah.

Dhammaanse afartii kulan oo ka horeeyay kii xagaagan Heegan ayay aheyd kooxdii guulaha isdaba jooga ah gaareysay.

Kulankan ayaa soo geli doona galabta 3:30 pm galabnimo xilliga geeska Afrika.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan