Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Habka-Nolosha / Real Madrid oo guul soo laabasho leh ka gaartay Barcelona
Real Madrid's Portuguese forward Cristiano Ronaldo celebrates after scoring a goal during the Spanish league "Clasico" football match FC Barcelona vs Real Madrid CF at the Camp Nou stadium in Barcelona on April 2, 2016. / AFP / LLUIS GENE (Photo credit should read LLUIS GENE/AFP/Getty Images)

Real Madrid oo guul soo laabasho leh ka gaartay Barcelona

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa gegada Camp Nou ku soo dhaweysay dhigeeda Real Madrid kulankii 231aad ee El Clasico.

Barcelona ayaana kulanka soo gashay iyadoo aan laga badin 39 kulan oo xiriir ah, horyaalkana farqiga dhibcaha dheer kooxda ay xifiltamaan 10 dhibcood.

Gerrard Pique ayaa kubadda gees ka laad aheyd madaxa la helay oo dhulka ku dhuftay shabaqa dacal ka geliyay xilli aanay waxba qaban karin Pepe oo raacayay iyo goolhaye Navas daqiiqaddii 56aad.

Durba degdeg ayay Madrid uga jawaabtay goolka laga dhaliyay, daqiiqaddii 63aad kubbad uu si wacan dhowr cayaartoy ugu soo dhexqaatay Marcelo, gudaha diilinta 18ka ayuu la soo aaday, ugu danbeyn waxaa kubadda shabaqa dhex dhigay Karim Benzema oo labo lugleey cayaarta ku barbareeyay.

Wixii intaa ka danbeeyay laba dhinac weeraro halis ah ayay qaadeen, waxaana laga xusi karaa kubadda uu Messi ka dhex xeeladeystay afar cayaaryahan oo weliba si qariib ah uu u laaday, hayeeshee uu dirqi ku badbaadiyay goolhaye Navas oo aanba filaneyn in goolkiisa lagu wajahnaa, si lamid ah Bale ayaa kubad qurxoon madaxeeyay oo shabaqa dhex dhigay intii uu dabaal degayayna waa laga diiday.

Daqiiqaddii 84aad Sergio Ramos ayaa kaarkii labaad oo huruud ah loo taagay isagoo kii hore daqiiqaddii 10aad qaatay, waxaana durba loo raaciyay kaarka cas, cayaarta ayaana laga saaray, isagoo calaamadda kabtannimo ku wareejiyay Marcelo.

Daqiiqad kaddib kubad qurux badneyd oo dadab ahaan uu u soo xooray Gareth Bale waxaa madaxa la waayay Alves, Ronaldo ayaana xabadka ku dejiyay kana hoos dusiyay goolhaye Claudio Bravo xilli Pique uu taagnaa itaalna u la’aa inuu goolkaa badbaadiyo.

Cayaarta ayaana ku soo idlaatay 2-1 oo guushu ay ku raacday Real Madrid.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan