Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Habka-Nolosha / Aubameyang oo tilmaamay qaab cayaareedkiisa wacan inuu hormuud ka yahay Klopp

Aubameyang oo tilmaamay qaab cayaareedkiisa wacan inuu hormuud ka yahay Klopp

 

Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Borussia Dortmund Pierre-Emerick Aubameyang ayaa aad ula dhacsan macallinkiisii hore Jurgen Klopp oo maallinta khamiista ay iska hor imaan doonaan.

Xilli cayaareed kale oo cajiib ah ayuu xiddigu iminka ku qaadanayaa gegada Signal Iduna Park, wiilka qaranka Gabon ayaana durba shabaqa cujiyay 23 gool, waana mid kamid ah weeraryahanada ugu halista badan xagaagan.

Aubameyang ayaase qirsan in macallin Klopp uu yahay ninkii guulaha isaga u horseeday xilli Khamiista soo aaddan Kooxda kubadda cagta Liverpool oo uu hogaaminayo Klopp ay afar dhammaadka Europea League Iduna Park kula dheeli doonaan Dortmund.

“Waa kulan adag xaqiiqdii, waxaan qorsheyneynaa in macallin Klopp aan tusno inaan shaqo adag qabanay.” Ayuu yiri Emerick.

Macallin Klopp iyo kooxdiisa Liverpool ayaana khamiista lugta koowaad ee afar dhammaadka Europe League u marti doona kooxda kubadda cagta Dortmund oo macallinka reer Jarmal uu waayo ku soo qaatay.

 

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan