Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Habka-Nolosha / Draxler oo u xiiso qabo inuu ka horyimaad Real Madrid

Draxler oo u xiiso qabo inuu ka horyimaad Real Madrid

Julian Draxler oo weerarka uga dheela kooxda kubadda cagta Wolfsburg ayaa sugi la’ kulanka berito uu ka hor imaan doono kooxda Real Madrid oo ay ku balansanyihiin lugta koowaad ee wareega siddeed dhammaadka tartanka kooxaha Yurub.

Wolfsburg ayaase safaadeysa kahor kulanka Champions League iyadoo aan guul arag saddexdii kulan oo u danbeysay oo Bundesliga ay dheesho, labo kamid ah guuldarro ayaa soo gaartay.

Dhibta Bundesliga ka heysata ayaana kooxda reer Jarmal gayeysiisay inay ku jirto kaallinta siddeedaad ee kala horeynta horyaalkaa, waxayna toddobo dhibcood u jirtaa booska loogu soo baxo Champions League.

Iyadoo kooxdu ay dhibtooneyso misna weeraryahankeeda Draxler ayaa yiri: “Goortii aan arkay inaan ku beeganahay Real Madrid aad baan u farxay sababtoo ah sanadkii hore dhaawac ayaa ii diiday inaan u dheelo Schalke oo la dheeshay Real Madrid, halka kii ka horeeyay ay nasoo gaartay guuldarro qiyaastii ah 9-2.”

Draxler ayaa yiri ugu danbeyntii “Xagaagan Real Madrid waa inaan tusnaa inaan nahay koox xoogan, anna aan ahay xiddig sare. Wolfsburg waa inay si wacan u daafacataa si lamid ahna u weerartaa Real.”

Julian Draxler ayaa rajeynaya in Raul Gonzales oo koox wadaag ay ahaayeen isla markaana wax ka badan 700 oo kulan u saftay Real Madrid inuu kulanka u soo daawasho tegi doono.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan