Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Habka-Nolosha / Garsoorayaal heer caalami ah oo maanta Muqdisho ka ambabaxay si ay u soo dhexdhexadiyaan kulan ka tirsan Caf Champions League

Garsoorayaal heer caalami ah oo maanta Muqdisho ka ambabaxay si ay u soo dhexdhexadiyaan kulan ka tirsan Caf Champions League

 

Xasan Aadan Xaaji Yabaroow Wish, Xasan Maxamed Xaaji,  Xamse Xaaji Cabdi iyo Suleymaan Bashiir Shiikh Cabdi  oo ah afar kamid ah garsorayaasha heerka caalami ee dalkeeda ayaa manta ka duulay gegada Aden Cadde Airport ee magaaladda Muqdisho.

Garsooraaayaashan ayaa ku sii jeeda dalka DR Congo oo cayaar ka tirsan tartanka kooxaha Afrikaa ay ku garsoori doonaan.

Kulanka ay garsoorayaasha dalkeenu qaban doonaan ayaa dhici doona maallinta Jimcaha oo nagu soo aadan, taariikhduna ay ku beegan tahay siddeeda bishan.

Kulanka oo ah lugta koowaad ayaa dhexmari doonaa kooxda AS Vita Club oo marti loogu yahay dalkeeda DR Congo iyo kooxda Mamelodi Sundowns oo Koonfurta Afrika kasoo hayaami doonto.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan