Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Habka-Nolosha / Real Madrid oo eeganeysa saxiixa xiddiga Man Utd Herrera

Real Madrid oo eeganeysa saxiixa xiddiga Man Utd Herrera

Real Madrid ayaa indhaha ku heysa inay dhammaadka xagaaga u dhaqaaqdo saxiixa kubbad sameeyaha Manchester United, Ander Herrera.

Inkastoo la rumeysnaa in Real Madrid ugaarsiga ugu weyn oo xagaaga soo aadan ay sameyn doonto uu yahay soo xero gelinta Paul Pogba, misna wararka ka imaanaya Spain ayaa tilmaamaya in macallin Zidane uu quuddareynayo saxiixa kubbad sameeyahaan aan booska joogtada ah heysan.

Fichajes ayaa ku warameysa in kooxda Bernabue ka dhisan ay u garatay Herrera inuu yahay mid ay kaga maarmi karaan kubbad sameeyaha reer Faransa Pogba.

26 jirka Spain u dhashay, Herrera ayaa la aaminsan yahay inuu raadsan doono koox kale haddii United ay awoodi weyso inay u soo baxdo Champions League.

 

 

 

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan