Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Habka-Nolosha / Torres oo dhabarka u ritay guuldarradii kooxdiisa kasoo gaartay Barcelona

Torres oo dhabarka u ritay guuldarradii kooxdiisa kasoo gaartay Barcelona

Fernando Torres oo weerarka uga dheela kooxda Atletico Madrid ayaa qirtay inuu masuul ka ahaa kooxdiisu inay guuldarro 2-1 ah kasoo gaarto Barcelona.

Atletico Madrid ayaa lugta koowaad ee wareega siddeed dhammaadka Champions League marti ku noqotay Camp Nou, Torres ayaana hogaanka u dhiibay daqiiqaddii 25aad, nasiib darro lix daqiiqo gudahood labo qalad oo uu galay ayaa gayeysiisay labo kaar oo huruud ay iyo kaar cas, daqiiqaddii 35aad ayuuna garoonka ka baxay.

Qeybtii labaad daqiiqadihii 63aad iyo 74aad Luis Suarez ayaa labo gool kooxdiisa u dhaliyay si ay hogaanga cayaarta ula wareegaan saddex dhibcoodna uga qaataan kooxdii 10ka cayaaryahan ku dheeleysay.

“Waan qaadanayaa masuuliyadda guuldarrada, laakiin hadda waa inaan ugu diyaar garowno sidii hore si ka daran kulanka Vicent Calderon si aan u soo laabano.” Torres ayaa sidaa mareegtiisa Twitter ku soo qoray.

Torres goolkii uu xalay ka dhaliyay Barcelona ayaa ka dhignaa kiisii kow iyo tobnaad oo kooxda Catalonia ka dhisan uu ka dhaliyo xirfaddiisa kubadda cagta.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan