Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Habka-Nolosha / Leicester oo ku sii dhawaaneysa hanashada horyaalka Ingiriiska

Leicester oo ku sii dhawaaneysa hanashada horyaalka Ingiriiska

Kooxda kubadda cagta Leicester City ayaa guul muhiim ah ka gaartay dhigeeda Sunderland oo ay ugu martisay gegada Stadium of Light.

Jamie Vardy ayaa soo gebagabeeyay lix kulan oo ay heysay abaar gool la’aan ah, isaga ayaana goolka koowaad daah furay daqiiqaddii 66aad ee qeybtii danbe inta uusan goolka labaad dhallin cayaarta oo dhamaad ah daqiiqaddii 90aad.

Leicester City ayaana guul gaartay shan kulan oo isku xiga markii u horeysay tan iyo 1963-64.

Dawacooyinka gool lagama dhallin shan kulan oo xiriir ah, waxayna barbareeyeen diiwaan qoraaleedka u yiil oo ahaa guulaha hal xagaa oo dhan 21 guul.

 

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan