Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Habka-Nolosha / Shelvey oo aan ka socon Newcastle United haddii ay u dhaadacdo heerka hoose

Shelvey oo aan ka socon Newcastle United haddii ay u dhaadacdo heerka hoose

Jonjo Shelvey ayaa qorsheynaya inuusan meel uga dhaqaaqin kooxda Newcastle United haddii ay xagaaga danbe u dhacdo heerka hoose.

Xiddiga qaranka Ingiriiska ayaa xagaagan bishii Janaury uga soo dhaqaaqay kooxda Swansea City adduun lacageed dhan £12m si uu ugu soo biiro kooxda dhibaatooneysa ee Magpies.

Newcastle United ayaa lix dhibcood u jirta badbaado xilli xagaaga keliya lix kulan ay uga harsan tahay, waana u dhibaato in booska 19aad ay fadhiso iyadoo dhawaan hogaankeedu uu qabtay Rafa Benitez.

Daily Mail ayaa sheeganeysa in Shelvey uusan qorsheyneyn inuu soo gaabiyo qandaraaska uu kooxdiisa kula jiro haddii ay u dhaadhacdo booska labaad.

Moussa Sissoko iyo Andros Townsend ayaa sidoo kale la tuhunsan yahay in ay kooxda St James’ Park ka dhaqaaqi doono dhammaadka xagaaga haddii ay Championship kooxdu iska xaadiriso.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan