Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Habka-Nolosha / Jones: Kulanka West Ham ayaa qeexaya xagaaga Man Utd

Jones: Kulanka West Ham ayaa qeexaya xagaaga Man Utd

Daafaca kooxda Manchester United Phil Jones ayaa ka dhawaajiyay in kulanka caawa ay rogaal celis ahaan wareega siddeed dhammaadka FA Cup ula cayaarayaan West Ham uu yahay kulankooda ugu weyn xagaagan.

Manchester United ayaa xagaagan dhibtooneysa iyadoo horyaalka ka fadhisa booska shanaad, waxayna afar dhibcood ka hooseysaa kooxda ka horeysa ee Manchester city.

Kulankii hore ee FA Cup Red Deils waxaa loogu martiyay gegada Old Trafford wayse awoodi weysay inay ka badiso West Ham, caawa ayayna ugu martin doontaa Upton Park.

Jones ayaase ka hor kulanka yiri “Waa kulan kale oo weyn, hubaal wuxuu qeexi doonaa halka aynu xagaagan joogno. Waa in aan ka badinaa West Ham oo aan iska xaadirinaa afar dhammaadka iyo Wembley.”

Kooxda United wax koob ah ma qaadin tan iyo 2013 markuu kooxda ka tegay macallinkeedii hore Sir Alex Ferguson, sidoo kale koobkan ma aanay hanan tan iyo sanaddii 2004.

Kulankan ayaase caawa la daawan doonaa 9:oopm fiidnimo, dhanka geeska Afrika.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan