Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Habka-Nolosha / Manchester City oo u soo baxday wareega xiga ee Champions league

Manchester City oo u soo baxday wareega xiga ee Champions league

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa markii ugu horeysay taariikhda u soo baxday wareega afar dhammaadka tartanka kooxaha Yurub ee Champions League.

Barbaro ay ku soo gashay caasimadda Paris ayaa kooxdan caawisay in gurigeeda ay ku dheesho iyadoo han sare leh, labo goolna ku soo dhalisay meel garoongeeda ka baxsan.

Manchester City ayaana garoonka soo gashay iyadoo ay aheyd kooxda ugu cadcad inay iska xaadirin karto wareega xiga.

PSG ayay aheyd kooxda kubadda waqtiga ugu badan heysatay oo maamulaneysay, Citizens ayaana ku jirtay daafac walow mararka qaar ay weerar celis halis leh qaadeysay.

Qeybtii hore waxaa lagu kala nastay barbaro goolal la’aan ah, hayeeshee qeybtii danbe waxaa wax walba soo afjaray Kevin De Bruyne oo shabaqa soo taabtay daqiiqaddii 76aad.

Manchester City ayaana celcelis ahaan ku soo baxday 3-2, waana markii ugu horeysay oo ay u gudubto taariikhda wareegan.

PSG ayaase sanadkii afaraad oo xiriir ah ku hareysa booska siddeed dhammaadka, waxayna u aheyd habeen kale oo xanuun badan.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan