Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Habka-Nolosha / Saddex cayaaryahan oo u dheela Leicester oo u sharaxan abaalmarinta xiddiga sanadka Ingiriiska

Saddex cayaaryahan oo u dheela Leicester oo u sharaxan abaalmarinta xiddiga sanadka Ingiriiska

Kooxda kubadda cagta Leicester City ayaa xagaa fiican qaadaneysa iyadoo iminka hogaanka horyaalka Ingiriiska ku heysa toddobo dhibcood oo nadiif ah.

Xiddigaha kala ah Jamie Vardy, Riyad Mahrez iyo N’Golo Kante oo gebigood kooxdan u wada cayaara ayaa kamid ah lix xiddig oo isugu soo haray tartanka loogu jiro xiddigii ku guuleysan lahaa abaalmarinta laacibka sanadka horyaalka Ingiriiska.

Weeraryahanka Tottenham Harry Kane, Kubbad sameeyaha Arsenal Mesut Ozil iyo xiddiga West Ham Dimitri Payet ayaana ku wehlinaya wiilasha dawacooyinka safka u loolamaya xiddiga xagaagan horyaalka ugu wacan.

Harry Kane oo gooldhallinta ku haya 22 gool ayaa sidoo kale u sharaxan abaalmarinta da’yarka xagaagan horyaalka u wanaagsan, isaga ayaana ku guuleystay xagaagii tegay, iminkase waxaa kula loolami doona da’yarka koox wadaaga ay yihiin Dele Alli, weeraryahanka Everton Romelu Lukaku, Goolhayaha Stoke City Jack Buntland iyo kubbad sameeyaha Liverpool Phillipe Coutinho.

Labadan abaalmarin xiddigihii hantaa waxaa lagu dhawaaqi doonaa maallin Axad ah 24ta bishan April.

 

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan