Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Habka-Nolosha / Manchester United oo iska xaadirisay wareega afar dhammaadka FA Cup
LONDON, ENGLAND - APRIL 13: Marcus Rashford of Manchester United celebrates scoring the opening goal with team mates during The Emirates FA Cup, sixth round replay between West Ham United and Manchester United at the Boleyn Ground on April 13, 2016 in London, England. (Photo by Ian Walton/Getty Images)

Manchester United oo iska xaadirisay wareega afar dhammaadka FA Cup

 

Goolal ka kala yimid Marcus Rashford iyo Marouane Fellaini ayaa Manchester United u horseeday in wareega lixaad ee FA Cup oo rogaal celis ahaa ay 2-1 uga taqalusto kooxda West Ham United.

Inkastoo weerarkii u horeeyay oo garoonka ay qaaday kooxda martiga loogu ahaa Upton Park, haddana fursado dhowr ah oo goolal loo fishay waxaa United ka qasaariyay xiddigo ay kamid yihiin Rashford, Lingaard iyo Carrick.

Qeybtii hore oo kulanka ayaana lagu kala maray barbaro goolal la’aan ah xilli kubadda ay badi maamulaneysay kooxda martida ah ee Red Devils.

Marcus Rashford ayaa goolka koowaad u dhaliyay United daqiiqaddii 54aad oo cayaarta, waxaana u labeeyay daqiiqaddii 67aad laacibka Marouane Fellaini.

West Ham ayaase goolka calanka ka heshay James Tomkins daqiiqaddii 79aad, cayaarta ayaana waqtigii loogu talo galay kusoo idlaatay 2-1 oo guushu ay ku raacday wiilasha macallin Van Gaal.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan