Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Habka-Nolosha / Barcelona ayaa gaashaanka u daruurtay wararka Neymar la xiriirinaya inuu kooxda ka socdo

Barcelona ayaa gaashaanka u daruurtay wararka Neymar la xiriirinaya inuu kooxda ka socdo

Agaasimaha kooxda kubadda cagta Barcelona  Jordi Mestre ayaa qashinka ku daray wararka la xiriirinaya Neymar Jr. inuu kooxda ka socdo dhammaadka xagaaga.

Kooxaha Manchester City iyo Paris Saint-Germain ayaa la rumeysan yahay inay dalab kasoo gudbiyeen hogaamiyaha qaranka Brazil oo waqti adag la qaadanaya kooxda Barcelona.

Wiilasha macallin Luis Enrique ayay dharbaaxo ku dhacday saddexkii kulan oo ugu danbeysay dhammaan tartamada, waxayna dhibco wadaag horyaalka ku yihiin kooxda Atletico Madrid.

“Tani waa wax aan loo joogin, dhowr jeer oo hore ayaan sheegay in kooxdu la dhacsan tahay Neymar, Lama iibin doono Neymar, xataa taas kuma aynaan fekerin.” Mestre ayay ka soo xigatay Mirror.

Barcelona ayaase tilmaantay in qandaraaska Neymar lagu burburin karo adduun lacageed dhan £150m.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan