Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Macluumaad / Wax ka ogow shaqooyinka ugu xun ee laga qabto dalka Mareekanka

Wax ka ogow shaqooyinka ugu xun ee laga qabto dalka Mareekanka

Wargeyska Time ee dalka Mareykanka ayaa daabacay ra’yi aruurin lagu soo saaray 10 shaqo ee ugu xun ee qof uu ka qabto dalka Mareykanka.

Ra’yi aruurinta ayaa lagu saleeyay qiimenteeda dhinacyo badan oo laga eegayay shaqo walba oo laga qabto dalka Mareykanka, waxaana kamid ahaa qeybaha qiimeynta loo cuskaday saacadaha shaqada ee toddobaadkii , daqliga qofka uga soo xaroonaya shaqada, heerka shaqo la’aanta ee shaqadaasi la xariirta, safarrada, heerka uu qofku horumar kaga sameyn karo shaqada iyo taageerada shaqadu ay ku leedahay dalka Mareykanka.

waxaana shaqooyinka soo socda ay  noqdeen 10ka shaqo ee ugu xun oo dalka Mareykanka laga qabto sida lagu cadeeyay ra’yi aruurinta oo ay sameysay mareegtada Career Caset.

1) Wariyaha warka goob ka soo dira

Celceliska Mushaarka: $ 37200

Heerka Kobaca : 9%

2) Shaqaalaha geedaha gura

Celceliska Mushaarka: $35160

Heerka Kobaca : 4%

3) Wariyayaasha warka ka aqriya Studiyaha Telefishinada ama Idaacadaha

Celceliska Mushaarka:  $37200

Heerka Kobaca : 9%

4) Dadka ka shaqeeya Studiyayaasha Musikada lagu duubo

Celceliska Mushaarka:  $ 29010

Heerka Kobaca :  11%

5) Shaqaalaha askareynta Milatariga

Celceliska Mushaarka: $27936

Heerka Kobaca :  0%

6) Shaqaalaha ka hortaga Cayayaanka

Celceliska Mushaarka: $ 30660

Heerka Kobaca :  1%

7) Ganacsatada sida tafaariikhda wax u iibiya

Celceliska Mushaarka: $ 21670

Heerka Kobaca :  7%

8) Ganacsatada sida jumlada wax u iibiya

Celceliska Mushaarka: $ 47890

Heerka Kobaca :   3%

9) Darawallada Taksiyada

Celceliska Mushaarka: $ 23210

Heerka Kobaca :  13%

10) Shaqaalaha dab damiska

Celceliska Mushaarka: $45970

Heerka Kobaca :  5%

 

 

 

 

 

 

 

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan