Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Habka-Nolosha / James Rodriguez oo weli muhiim u ah kooxda macallin Zidane

James Rodriguez oo weli muhiim u ah kooxda macallin Zidane

Macallinka kooxda kubadda cagta Real Madrid Zenidine Zidane ayaa qirtay xiddiga booska keydka wehel la noqday  James Rodriguez inuu weli kooxda muhiim ka yahay.

James ayaa kursiga keydka wehel la noqday hayeeshee macallin Zidane ayaa ka dhawaajiyay in wiilka reer Colombia uu weli kooxdiisa muhiim u yahay, uuna lamid yahay xiddigaha kale ee keydka fadhiya.

James Rodriguez ayaanan hanan dooqa macallin Zidane dhammaan kulamada isagoo kursiga keydka ku soo bilowday kulamaddii dhowaan ay la dheeleen kooxaha Sevilla, Barcelona, Wolfsburg iyo Villarreal.

“Wax dhibaato ah kuma qabo James – waa xiddig muhiim inoo ah.” Zidane ayaa sidaa ku yiri shirkiisii jaraa’iid ee ka horeeyay kulanka ay berito la dheeli doonaan Rayo Vallecano.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan