Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Habka-Nolosha / Riyad Mahrez oo loo magacaabay abaalmarinta xiddiga sanadka Epl

Riyad Mahrez oo loo magacaabay abaalmarinta xiddiga sanadka Epl

Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Leicester City Riyad Mahrez ayaa ku guuleystay abaalmarinta laacibka sanadka horyaalka Ingiriiska.

25 jirkaan ayaa noqday xiddigii u horeeyay oo Afrika ka soo jeeda oo loo magacaabay abaalmarintan, wuxuuna ku garaacay saaxiibkii Jamie Vardy iyo hogaamiyaha Tottenham Harry Kane.

Mahrez ayaa 17 gool dhaliyay 11 kalena ka caawiyay saaxiibadii xagaagan horyaalka, door weyn ayuuna ku leeyahay in kooxdiisu ay booska koowaad timaad kala horeynta xilli kulammo yar ay harsan yihiin.

Wiilka qaranka Aljeeriya ayaa kooxda Leicester ku soo biiray sanaddii 2014, isagoo adduun lacageed dhan £400,000 uga soo dhaqaaqay kooxda Le Havre.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan