Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Habka-Nolosha / Yaya Toure oo qarka u saaran inuu seego kulanka Real Madrid

Yaya Toure oo qarka u saaran inuu seego kulanka Real Madrid

Laacibka qadka dhexe ee kooxda Manchester City Yaya Toure ayaa loo badinayaa inuu seego kulanka xiisaha gaarka ah wata ee wareega afar dhammaadka koobka kooxaha Yurub ay Etihad ku soo dhoweyn doonaan kooxda Real Madrid.

Manuel Pellegrini, maareeyaha Manchester City ayaana maanta shaki geliyay in Yaya Toure uu diyaar u yahay kulanka ay marti soori doonaan Los Blancos.

Kevin De Bruyne ayaa la nasiiyay kulankii dhowaan ay Toure iyo Citizens afar iyo eber macsalaameeyeen kooxda Stoke, cayaartaana wuu dhameystay wiilka Ivory Coast u dhashay.

Macallin Pellegrini ayaase shaki ka qaba inuu Toure kasoo bogsaday jugtii muruqa ka soo gaartay kulankii sabtida ay dhibcaha tirsadeen.

Toure siddeed gool ayuu u dhaliyay kooxda Manchester City 44 kulan oo xagaagan dhammaan tartamada uu u saftay.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan