Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Habka-Nolosha / Atletico Madrid oo Vicent Calderon ku maquunisay Bayern Munich

Atletico Madrid oo Vicent Calderon ku maquunisay Bayern Munich

Kooxda kubadda cagta Atletico Madrid ayaa lugta koowaad ee wareega afar dhammaadka UCL gegada Estadio Vicente Calderon ku soo dhoweysay dhigeeda Bayern Munich.

Kulanka oo ay u soo daawasho tageen 52,127 taageere, waxaa dhexdhexaadinayay garsooraha Ingririiska ah Mark Clattenburg.

Bilowgii cayaartaba, daqiiqaddii 11aad qadka dhexe ee Atletico Saul Niguez ayaa kubad qurux badan ku dhex qaatay dhowr cayaartoy oo Bayern ah, inta aanu gool qurux badan dhan ka siin goolhaye Neuer.

Goolka uu dhaliyay Niguez ayaana ahaa farqiga labada koox, inkastoo koox walba ay fursado cajiib ah soo mareen, lagana xusi karo labadii fursadood ee dahabigaa ahaa ee soo kala maray Alaba iyo Torres oo labada dhan kala metelayay darbooyinkoodise birta ayaa beenisay.

Lugta labaad waxaa lagu dheeli doonaa Allianz Arena Salaasada soo socota, xilli Finalka ay lug lasii gashay kooxda Atletico Madrid.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan