Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Habka-Nolosha / United oo aan u ogolaan doonin Leicester inay horyaalka ku qaado Old Trafford

United oo aan u ogolaan doonin Leicester inay horyaalka ku qaado Old Trafford

Kooxda kubadda cagta Leicester City ayaa Old Trafford ku soo booqan doonta dhigeeda Manchester United maallinta Axadda, guul ay halkaa ku soo gaarto ayaana ka dhigeysa inay u dabaal degto hanashada horyaalka Ingiriiska markeedii u horeysay taariikhda.

Macallin Louis Van Gaal ayaan meesha ka saarin in xagaagan ay Leicester horyaalka hananeyso, wuxuuse gaashaanka u daruuray in wiilashiisu ay u ogolaadaan Dawacooyinka inay horyaalka ugu dabaal degaan iyagoo ku sugan gegada Old Trafford.

Wiilasha macallin Claudio Ranieri ayaa u baahan keliya hal guul si ay ugu dabaal degaan hanashada horyaalka, fursadda ugu horeysa ayaana ku soo mari doonta gegada Old Trafford oo labaatan jeer horyaalka loo hoyay.

“Waa inaan ka badinaa Leicester City oo garaacnaa, waayo weli waxaynu ku jirnaa loolanka loogu jiro hanashada horyaalka. Mana aqbali doono in Old Trafford ay horyaal Foxes ugu dabaal degaan.”  Van Gaal ayaa sidaa yiri.

United ayaase u muuqata mid xooga saari doonta koobka FA Cup oo Finalkiisa ay yimideen, waxayna kulanka u danbeeya la cayaari doonaan kooxda Crystal Palace.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan