Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Habka-Nolosha / Hordhaca kulanka adag ee dhexmari doonaa kooxaha Gaadiidka iyo Dekedda

Hordhaca kulanka adag ee dhexmari doonaa kooxaha Gaadiidka iyo Dekedda

Kooxaha sida weyn u xifiltama ee Gaadiidka iyo Dekedda ayaa kulan cayaareed horyaalka heerka koowaad ee kubadda cagta dalkeena galabta wada qaadan doona.

Kulanka ayaa si toos ah looga daawan doonaa gegada Banaadir Stadium saacadda geeska Afrika marka ay tahay 3:30pm galabnimo.

kooxda macallin Edward Karanaj ee Gadiidka ayaana kulan cayaareedkaan loo martin doonaa, kulankan ayaana labada kooxood muhiimad gooni ah u leh.

Dekedda waxay iminka 29 dhibcood la fadhisaa booska saddexaad, iyadoo kulankii u danbeeyay guul 3-0 ah ay kasoo gaartay kooxda Elman.

Gaadiidka iyana meel dheer ma ay jirto oo booska afaraad ayay ku jirtaa, hayeeshee waxay leedahay 24 dhibcood, guul ay galabta gaarto ayaana u dhoweyneysa kaallinta saddexaad.

Macallin Cabdi Weli Maxamud Cabdi Joon oo kooxdiisa Dekedda ay barbaro 1-1 ah la dhaafi weysay dhigoodaa Gaadiidka kulankii lugtii hore ayaa indhaha ku haya sidii guul ay u gaari lahaayeen, ciriirina u gelin lahaayeen kooxda booska labaad ee Jeenyo oo iyana sii baacsaneysa hogaamiyaasha Banaadir SC.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan