Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Habka-Nolosha / La Liga oo weli la isku dhegan yahay iyo muruqya weynta oo dirqi ku wada badisay

La Liga oo weli la isku dhegan yahay iyo muruqya weynta oo dirqi ku wada badisay

Kooxda Real Madrid ayaa kulankii u horeysay u martisay dhigeeda Real Sociedad cayaar ka dhacday gegada Estadio Anoeta.

Kulanka oo ay u soo daawasho tageen 26,426 qof, waxaa dhexdhexaadiye ka ahaa garsoore Alberto Undiano.

Daqiiqaddii 80aad Gareth Bale ayaa goolka guusha Los Blancos u dhaliyay kolkii uu caawin ka helay Lucas Vazques, si ay u qabtaan hogaanka horyaalka.

Atletico Madrid ayaase inyar kaddib Vicent Calderon ku soo dhoweysay Rayo Vallecano, kulan ay u soo daawasho tageen 49,263 qof, waxaana dhexdhexaadiye ka ahaa Garsoore Jose Sanchez.

Kulankan goolka qura oo Atletico Madrid ay ku badisay waxaa u dhaliyay daqiiqaddii 55aad Antoine Griezmann si ay hogaanka horyaalka markooda fiinta uga tagaan.

Ugu danbeyna kooxda Barcelona ayaa Real Betis ku booqatay gegada Estadio Benito Villamarin, kulan ay u soo xaadireen 44,015 taageere.

Kooxda Catalonia kasoo duushay ayaase farxad ay u aheyd markii toddobo daqiiqo gudahood labo kaar oo huruud ah loo taagay Heiko Westermann oo cayaarta laga saaray daqiiqaddii 35aad.

Ivan Rakitic ayaa dharbaaxada u bilaabay intuusan raacsan Luis Suarez, goolashooda ayaana kala yimid daqiiqadihii 50aad iyo 81aad, si ay hogaanka markooda ula wareegaan, waxaana labada goor caawin sameeyay Lionel Messi.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan