Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Habka-Nolosha / Van Gaal oo hoos u dhigay wararka muujiya inuu Man UTD ka socdo xagaa dhammaadka

Van Gaal oo hoos u dhigay wararka muujiya inuu Man UTD ka socdo xagaa dhammaadka

Maareeyaha kooxda kubadda cagta Manchester United Louis van Gaal ayaa carabka ku dhuftay inuu qorsheynayay inuu Manchester United u saxiixo heshiis labo sanadood ah kolkii uu 2014 ku soo biirayay.

Dhowaanahaan culeys ayaa ku soo kordhaya ninka reer Dutch iyado saxaafadda Ingiriiska ay u saadaalineyso inuu xagaagan baneyn doono shaqada Old Trafford.

Kulankii ay ka badiyeen Everton oo ay iska xaadiriyeen Finalka FA Cup ayaa culeys ka yara dejisay macallinkan. Wuxuuse weli fursad u heystaa inuu kooxda u soo bixiyo booska afaraad ee kala sareynta horyaalka, xilli keliya 4 kulan uun ay ka harsan tahay.

Jose Mourinho ayaase ah qatarta ugu weyn ee macallin Van Gaal ka dharbaaxi karta Masraxa Riyadda.

Macallinkan ayaase carabka ku dhuftay inuu qorsheynayay in kooxda uu u saxiixo heshiis labo sanadood ah, hayeeshee kooxda madaxdeedu ay ku qanciyeen inuu qandaraas saddex sanadood ah saxiixo.

“Dabcan waan ogaa culeyska ay shaqadan leedahay,” Daily Star ayaa warkan tababaraha kasoo xigatay.

“Waana taa sababta ay ii qaateen, taana waynu ka wada hadalnay. Waxaan heysanay hanaan saddex sanadle ah. Waxaan doonayay inaan labo sano u saxiixo, laakiin iyaga ayaa doonayay inaan ugu yaraan saddex sano la qaato – ma ahayn aniga qofka doonayay saddexda sano. Saddex sano ayaan u saxiixay, sidaa awgeed sanadka danbe waad i arki doontaan.”ayuuna hadalkiisa kusoo gebagabeeyay maareeyaha.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan