Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Habka-Nolosha / Xaqiiq: Hiddink oo iska diiday leylinta kooxda Leicester

Xaqiiq: Hiddink oo iska diiday leylinta kooxda Leicester

Tababaraha Chelsea sida kumeel gaarka ah u hogaamiya Guus Hiddink ayaa bilowgii xagaagan loo soo bandhigay qabashada shaqada kooxda Leicester, kahor inta kooxdaa aan lagu aaminin ninka reer Talyaani Claudio Ranieri.

Hiddink ayaase iska diiday inuu u dhaqaaqo koox xagaagii u danbeysay dirqi uga badbaaday inay heerka labaad u laabato.

Bishii December ayaase macallinka Dutchka ah si kumeel gaar ah loogu dhiibay shaqada Chelsea oo goortii labaad uu ku soo laabtay kaddib markii loo buriyay Jose Mourinho oo kulankiisii u danbeeyay ku hor kufay kooxda Leicester City.

“Waa run in Leicester ay i weydiisatay inan tababaraheeda noqdo xagaagan.” Hiddink ayaa sidaa u sheegay De Telegraaf.

“Laakiin waxaan go’aansaday inaan nasto, goortaa ma dooneyn inaan wax qabto.” ayuuna hadalkiisa sii raaciyay macallin Hiddink oo 2009 FA Cup la qaatay Blues.

Leicester ayaase iminka iyadoo ka hoos shaqeyneysa Ranieri hanatay horyaalka Ingiriiska, kala mana jecla in 69 jirka Hiddink uu bilowgii xagaagan iska diiday.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan