Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Habka-Nolosha / Banaadir SC oo u dabaal degtay hanashada horyaalka kaddib guul ay ka gaartay Gaadiidka

Banaadir SC oo u dabaal degtay hanashada horyaalka kaddib guul ay ka gaartay Gaadiidka

 

Kooxda kubadda cagta Banaadir SC ayaa loo caleemo saaray horyaalnimada kubadda cagta Soomaaliya xagaagan 2015-2016.

Kulan muhiim u ahaa kooxdan ayay galabta gegada Banaadir kula cayaarta dhigeeda Gaadiidka.

Daqiiqaddii 41aad ee qeybtii hore kooxda Banaadir SC ayaa cayaarta la wareegtay markii uu gool u dhaliyay laacibkooda Caadil Nuur Cali.

Goolka ay Banaadir SC ku hormartay ayaa lagu kala aaday nasiinada qeybtii koowaad.

Qeybtii labaad markii la isku soo laabtay nasiib darro ayay u aheyd kooxda Banaadir SC, qalad uu sameeyayna Cabdirisaaq Cali Maxamed waxa uu ku muteystay ciqaab aan kooxdiisa u rooneyn, Garsoore Xasan Maxamed Xaaji oo cayaarta dhexdhexaadinayay ayaana xiddiga lanbarka afaraad u xirta Banaadir SC ku abaalmariyay kaarka cas.

Daqiiqaddii 70aad hogaanka ayay sii dheereysatay Banaadir SC markii uu gool shabaqa u dhex dhigay Marcel Samsong.

Cayaartase waxaa la wareegtay Gaadiidka oo gool la timid daqiiqaddii 78aad, markii uu shabaqa gaaray Yaxye Ibraahim, hayeeshee dhowr fursadood oo goolal loo fishay ayay iska qasaariyeen.

Ka sokow casaankii uu qaatay cabdirisaaq, Dhexdhexaadiyihii kulankan Xasan Maxamed Xaaji ayaa kaarka huruudda siiyay Owituh Elishu Omyumyo oo lanbarka shanaad u xirta Gaadiidka daqiiqaddii 17aad, qeybtii danbana kaararka huruudda waxaa kala qaatay Marcel Samsong iyo Mahad Nuur Faarax oo labada koox u kala cayaara.

Kulanka ayaa kusoo idlaaday 2-1 oo guushu ku raacday kooxda Banaadir SC, sidaa ayayna ugu dabaal degeen hanashada horyaalka.

Banaadir SC ayaa ku guuleysatay horyaalka Soomaaliya goortii afaraad muddo 23sanadood ah.

Saddex sano gudahood ayay labo jeer kooxdan hanatay horyaalka Soomaaliya, sidoo kale labada goor waxay ku qaaday iyadoo aan dhankeeda dhulka la dhigin.

Banaadir SC ayaa taariikhda dhibcihii ugu badnaa horyaalka ku qaaday, waana 41 dhibcood iyadoo weli kulan uu u harsan yahay.

Macallin Xuseen Xasan Mpalambo ayaa noqday macallinkii u horeeyay oo ajnabi ah oo horyaalka Soomaaliya ku guuleystay.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan